Wefti Ka Socday Golaha Wakiillada oo ka Warbixiyay Safar Ay Ku Tegeen Tanzania

0
302

Hargaysa (Dawan)- Wafti ka socday Golaha Wakiiladda gaar ahaana guddida Ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Tanzaaniya ayaa shalay dalka ku soo guryo noqday. Waftigani oo hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Goluha Mudane Cali Yuusuf Ahmed, ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranku wax uga baran lahaayeen isla markaana u darsi lahaayeen nidaamka uu u shaqeeyo Iibka qaranku (Public Procurement System).

Muddadii ay Guddidu joogtay dalka Tanzania waxa ay la kulmeen Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda iyo Qorshaynta dalkaas Dr. Ashatu Kijaji oo ay weheliyaan madaxda Maaliyadda, Hanti-Dhawraha Guud ee dalka Tanzania, Prof. Musa Juma Assad iyo Madaxda Sare ee Hay’adda Hantidhawrka Guud, Hay’adda Nidaaminta Qandaraasyadda Qaranka, Guddida Mihnadlayaasha iyo Xirfadyahanadda Qandaraaslayaasha iyo Ganacsatadda (Procurement and Supplies Professionals and Technicians Board “PSPTB”), Guddida Dib-u-eegista Cabashooyinka la Xidhiidha Qandaraasyadda, Hantidhawraha Gudaha ee Dalka Tanzania, Wakaaladda Adeega Iibka Qaranka. Hay’adaasi kala duwan oo dhamaantood uu khuseeyo Xeerka Iibka Qaranku.

Xafiiska Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (Public Finance Reform Unit) ee Wasaaradda Maaliyadda oo soo qaban-qaabiyay socdaalkani ayaa ujeedadisu tahay in dib-u-haabayn balaadhan iyo dardar gelin lagu sameeyo nidaaminta iyo sharci u samaynta hanaanka maamulka Maaliyadda ee qaranka JSL. Iyadda oo taa laga duulayo ayuu Xafiiska PFM ku waxa uu kala shaqaynayaa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka sidii loo dhamays tiri lahaa Qabyo Qoraalka Xeerka Iibka Qaranka (Public Procurement Bill).

Ujeedadda Xeerkani ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa daah-furnaanta, caddaladda, nidaamka, isla xisaabtanka, tartanka isla markaana si siman loogu xaq soori lahaa fursadaha qandaraas ee ay bixinayso dawladdu. Sidoo kale Xeerkani ayaa looga gol leeyahay in lacagta ka baxaysa dawladdu noqoto mid leh qiime gal, isla markaana lagu dhiso kalsoonidda bulshada Somaliland ku qabto nidaamka qandaraasyadda ee qaranka JSL.

Waftani ayaa markii ay dalka ku soo noqdeen waxa wariyayaasha kula hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiiladda oo waftiga hogaaminayay, Guddoomiyaha Guddida La-xisaabtanka Hantida Qaranka, iyo Xidhiidhiyaha Mashruuca Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Qaranka, oo dhamaantood ka warbixiyay ujeedada safarka iyo waxyaabihii ay ka soo barteen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply