Xisbiyada Mucaaridka ah oo Taageeray Heshiiska Lagu Horumarinayo Dekeda Berbera

0
306

Hargeysa (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa soo dheweeyay heshiiska saddex geesoodka ah ee kowdii bishan ku dhex maray, Dalka Imaaraadka Carabta, wadamada Somaliland, Ethopia iyo shirkadda DP World. waxaanu xisbigu heshiiskaasi ku sheegay guul-taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Reer Somaliland.

Xisbiga UCID, waxa uu heshiiskan ku tilmaamay mid si cad u muujinaya in ay Somaliland gaadhay hamigeedi ahaa in ay dunida si toos ah ula macaamisho, isla markaana caddaynaya in ay Somaliland tahay qaran la isku halayn-karo amaankiisa iyo shuruucdiisa ba, galina-kara heshiisyo waawaayn oo masiiri ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arrintan, isla markaana ugu jawaabay madaxda dawladda taagta daran ee Soomaaliya, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxaa uu soo dhawaynayaa heshiiskii saddex geesood-ka ahaa ee 1-dii March 2018-ka, ku dhex maray Dalka Imaaraadka Carabta, Wadamada Somaliland, Ethopia iyo shirkadda DP World. Xisbiga UCID waxa uu heshiiskaasi u arkaa Guul-taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Reer Somaliland.

Heshiiskan ayaa noqday mid ay Somaliland ku gaadhay hamigeedi ahaa in ay dunida si toos ah ula macaamisho, sidoo kalena waxaa uu heshiiskani muujiyay in ay Somaliland tahay qaran la isku halayn-karo amaankiisa iyo shuruucdiisaba, galina-kara heshiisyo waawaayn oo masiiri ah.

Hadaba Heshiiskani waxaa uu bar-bilaw fiican u yahay in shacabka reer Somaliland ka faa’idaystaan khayraad-kooda dabiiciga ah iyo mawqica istaaraatijiga ah ee uu ilaahay dhigay.

Sidoo kalena Heshiiskani waxaa uu sahlayaa in dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay si fudud ugu adeegi karto Dalka ay dadka badani ku nool-yihiin ee Ethopia iyo wadamadda kale ee aan badaha lahayn ee Africa.

Xisbiga UCID waxa uu cambaaraynayaa hadalkii shalay ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa heshiiska Dekedda Berbera.

Xisbiga UCID waxa uu arkaa Hadalka Raysal Wasaaraha in uu ka soo hor jeedo jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland, sidoo kalena waxa uu si toos ah uga hor imanaya heshiisyadii ay hore u kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya .

Sidoo kale Hadalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya, waxaa uu muujinayaa Cadaawada ay xukuumadda Muqdisho ay u qabto shacabka Reer Somaliland, iyo sida ay uga soo hor jeedo horumar kasta oo ay Somaliland Gaadho .

Waxa aanu Raysal Wasaaraha Somalia u cadaynaynaa in aanu Jaanis Dilaalnimo uga banaanayn Heshiis-yada Horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la galayso Beesha Caalamka, sidoo kalena Waxaanu xasuusinaynaa Raysal Wasaaraha in Maamul-ka Puntland ee Somalia uu heshiis aanay Xukuumadiisu waxba ka ogayn uu la galay Shirkadda P&O Ports, Wax talaabo ahna aanay xukuumadiisu ka qaadin .

Ugu dambayn Xisbiga UCID waxa uu shacabka Reer Somaliland ku boorinayaa in ay midnimada iyo wada jir-ka iyo horumarka dalkooda meel uga soo wada jeestaan wakhtiga xasaasiga ah.

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul jawaab uga bxiyey hadallo ka soo yeedhay Raysal wasaaraha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaas oo ku saabsan heshiiska dekeda Berbera.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo la hadlay warbaahinta ayaa dawlada Soomaaliya ugu hanjabay inay ka baqi doonaan Somaliland, haddii ay diidaan xishoodka.

Xoghaye Uurcade oo ugu horayn ka hadlaya heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Heshiiskaas waxa ansixiyey oo sharciyeeyey xukuumada Somaliland, goleyaasheeda qaranka, xisbiyada iyo shacabka Somaliland, waxaanan maqlaynay oo lagu cel celinayey Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si aflagaado ah oo cay ah uga hadlayey shacabka Somaliland oo danahooda uga tashaday kaas oo u hadlayey si dadnimada ka baxsan oo ay shacabka Somaliland la yaabeen, waxaanan u sheegaynaa in Somaliland, goleyaasheeda, madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay yihiin umad jirta oo aduunyada ka mid ah, adiga iyo qayrkaa toona talo ka waydiin maayaan dalkooda.”

Xoghaye Uurcade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan idiin sheegaynaa hadaad tihiin Soomaaliya in badan ayaanu jeclayn inaynu walaalnimo iyo darisnimo ku wada noolaano balse way idiin dhadhami wayday, waxaanu idiin sheegaynaa hadaad xishoon waydeen inaad naga baqan doontaan oo aad in badan ka cabsan doontaan Somaliland, haddii aad diideen inaynu walaalnimo ku wada noolaano.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalada ay shacabka iyo madaxda Soomaaliya ka bixiyeen qadiyada Somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu jeclayn inaanu Soomaaliya walaalnimo ku wada noolaano balse way u dhadhami la dahay mudo 27 sanadood ah oo aad ku cel celinaysaan ma tihidin umada jirta maalin walba aad warbaahinta la soo fadhiisanaysaan hadaad tihiin madax iyo hadaad tihiin mijaba, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiinku cel celinaynaa inaad naga baqi doontaan maanta wixii ka dambeeya hadaad naga xishoon waydaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply