Weedha Wargeyska: Talo Iyo Tacab: Profiser Daahir M Xaddi

0
325

Xilligan oo ay curteen roobabkii gugu waxaa ina hurran dhamaanteen, in aynu muruqeena iyo maskaxdeena isugu geyno, sidii aynu uga faa’iideysan lahayn biyaha roobabka, una samaysan lahayn biyo xidheeno aynu ku baahi baxno, qodaalkeenuna waa mid inooga baahan muruq aynu kula soo baxno, waana fursad ina hortaala oon inooga baahnayn inaynu ka baaqsano, oo aynu gacmaheena ka laabano raxmaadka EEBBE ina siiyey, sidoo kale aynaan noqon kuwo iyagoo indhaha ku haya dhamaantood ay biyahaasi dhaafaan oo galaan badda.

Lama huraan waa caws jiilaale, wax soo saarkeena waxa inaga xiga inagoo yar iyo weyn isugu geyna taladeena sidii aynu biyahaas isu hortaagi lahayn, taa dabadeed waa jalka keliya ee ay beeralaydeenu haysato, xoolaheenuna ay ku baxsan lahaayeen xilliga abbaarta, waana intijaah u baahan inaynu wajahno oo dhismaha dalkeena iyo wax soo saarkeena meel sare gaadhsiinaya.

Dalalka dunida waxa keliya ee ay ku horumaraan waa wax soo saarkooda oo ay ka jibo keenaan, muruqooda iyo ka faa’iideysigooda khayraadkooda dihin, ee ciida guudkeeda yaalla. Abwaan deeqda EEBBE ee raxmaadka ku ducaysanayey ayaa lahaa:-

Waa Naawileynoo,

“Niyaddaan Ku Haynee,

Nimcadaada Eebboow,

Naxariista Eebboow,

Naqa Roobka Noo Keen.”

In biyaha la soo jeexo, loona soo duwo si ay dadka iyo duunyadu uga faa’iideystaan waxa loo baahan yahay in kalluunka ku naaxay xilliga guga iyo raxmada EEBBE la soo kaluumaysto, oo lala soo baxo si gaajada loogu reebo, iyadoo loo baahan yahay in hay’adaha ay khusaysaa suuq-geyn iyo maalgelin u raadiyaan, waxaana la joogaa xilligii xoolaha iyo nimcooleyda la dhaqaalayn lahaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply