Xildhibaan Budeeye oo ku Baaqay in loo Gurmado Beelaha ku Dagaalamay Buuhoodle

0
271

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdixakiim Faarax Budeeye, oo ka tirsan mudanayaasha golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay degaanka Horafadhi iyo Gocandhaale oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, dagaalkaasi oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mudane Cabdixakiim Faarax Budeeye oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa u soo jeediyay xukuumadda, goleyaasha qaranka iyo Madax-dhaqameedka Somaliland in ay u gurmadaan beelahaasi, walaalah ah ee shaqaaqadu dhex martay, waxaanu u soo jeediyay wax-garadka beelahaasi walaalaha ah in ay joojiyaan dagaalka oo wada-hadal lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee jira.

“Deegaanka Horafadhi iyo Gocondhaale oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, waxa ka dhacay dagaal laba beelood oo walaalo ah dhex maray, waxaana dagaalkaasi sababay labo dhimasho ah oo isku dhinac ah, waxaanan leeyahay dagaal waxyeelo iyo aafooyin ayuu keenaa, waana dad wada degan oo berkadaha ka wada cabayay. Markaa waxaan leeyahay dagaalkaa ha la joojiyo oo ergada ha la maqlo, dagaal-na wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdixakiim Faarax Budeeye.

Xildhibaan Budeeye, sidoo kale waxa uu baaq u diray xukuumadda Somaliland, goleyaasha qaranka iyo madax dhaqameedka, waxaanu yidhi “Xukuumadda iyo goleyaasha qaranka iyo salaadiintu ha u gurmadaan oo ha la kala dhex galo labadaa beelood ee dirirtu dhex martay. Dadkaa abaarta ka soo baxay ee rasaasta laga dul ridayo ha laga waantoobo ayaan leeyahay, aniga oo ka soo jeeda gobolka Buuhoodle oo caqligu ha taliyo oo cuqaashu ha taliso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply