Wakiillada: “Mucaarad iyo Muxaafid-ba Waanu Ka Simannahay Taageerada Qadiyada Somaliland”

0
303

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin cid muran galin karta , karheshiiska maalgashiga Dekedas Berbera ee ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkada Dp World. Isla markaana aanay jirin cid is hortaagi karta dhaqan-gelintiisa.

Xildhibaanadan oo kala ahaa Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf (Wabeeyee) mudane Maxamed Jaamac Cabdi iyo xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in mucaarad iyo muxaafadba ay ka siman yihiin in ay taageeraan heshiiskii ay soo kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada Dp World.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) ayaa waxa uu tilmaamay in uu sharci yahay heshiiskii xukuumadda Somaliland la gashay shirkada Dp Wporld ee casriyaynta iyo dib u habaynta dekeda Berber, waxaana uu yidhi “Hadaanu nahay Baarlamaanka Somaliland mucaarad iyo muxaafid ba waanu ka simanahay in aanu taageerno qadiyada Somaliland, waana kala jaad marka wasiirkayaga aanu su”aalo waydiinayno ee aanu la xisaabtamayno, waa shaqadii naloo doortay. Soomaaliya waxa iskaga qaldamay marka aanu waajibaadkayaga dastuuriga ah gudanayno ee aanu wasiirada wax ka waydiinayno heshiisyada ay xukuumaddu gasho, waana sharci heshiiska aynu la galnay shirkada Dp World.”

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa isaguna tilmaamay in aanay jirin cid muran galin karta heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkada Dp World, waxaanu yidhi “Heshiiska ay soo kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya yo Shirkada Dp World, waxaa horo u ansixiyay golaha wakiillada Somaliand, waxaana aanu qaadanay in xukuumadu heshiis gasho waana ay gashay heshiis, mana aha mid muran ku jira heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay Dp World, kamana hadli karto dawladda taagta daran ee Soomaaliya.”

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay u madaxbannaan tahay in heshiis ay heshiis la gasho shirkada Dp World, waxaana uu ku tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya qaar aan caqli iyo cilmi toona ku shaqaynayn, waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland way u madaxbannaan tahay dastuurkeeda iyo cidii ay heshiis la galayso, waana heshiis maalgashi oo manfac-wayn u leh mandaqada geeska Afrika, dawlada Soomaaliya caqli iyo cilmi midna ku shaqayn maayaan runtii. Somaliland waa dal maxdaxbannaan 28 sannadood.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply