Xildhibaan Dhakool oo Dhaliilay Xeerka Kufsiga ee Horyaalla Wakiillada

0
395

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa si adag u naqdiyay xeerka ka hortaga kufsiga oo golaha wakiilladu hore u ansixiyay balse uu dib ugu soo celiyay golaha Guurtida Somaliland, waxaanu xeerkaasi ku tilmaamay mid aanay Somaliland wakhtigan waxba uga baahnayn.

Maxamed Axmed Dhakool oo shalay u waramayay wargayska Dawan waxa kale oo uu tilmaamay in dalka Somaliland aanu u baahnayn xeerka ka hortaga kufsiga, maadaama uu yahay xeer aan ka turjumayn dhaqanka bulshada Somaliland iyo guud ahaan diinta Islaamka.

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda sicir bararka ee dalka taagan, waxaanu tilmaamay in arrinta sicir bararku ay joogsanaynin ilaa bulshada reer Somaliland ay u soo noqdaa lacagtooda oo ay isticmaalaan shilinka Somaliland.

Mudane Dhakool, waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah sharkadaha ganacsigu ay wadaan dacaayado ka dhan ah isticmaalka shilinka Somaliland. Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlayay xeerka ka hortaga kufsiga waxa uu yidhi “Ma aha xeer aynu u baahanahay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, uma baahnin xeerkaa Kufsiga ee golaha Wakiiladu hore u ansixiyay, mana aha xeer ka turjumaya diinteena iyo dhaqankeena suuban iyo diinteena islaamka. Waanay jiraan kiisas kufsi oo marmar dhaca laakiin ma aha wax marwalba taagan. Waana xeer aan ku wacnayn dhulka islaamka ee ku wacan dhulka Gaallada shareecada islaamkuna wax bay ku xukuntay cidii kufsi gaysata.”

Xildhibaan axmed Maxamed Dhakool, waxauu intaasu ku daray “Kiisaska kufsigu dalkeena way ka dhacaan, wax lagu xaliyo ayaana jira oo aynu leenahay oo dhaqan ahaana, waana uga mahad celinayaa golaha Guurtida haddii ay dib ugu soo celiyeen golaha Wakiiladda, diinteena wax bay ku xukuntay ninkii kufsi sameeya, waana aan cambaaraynayaa cidii wadda xeerka kufsiga”.

Geesta kale xildhibaanka waxa uu ka hadlay arrinta maalmahan danbe aadka loo hadal hayay ee sicir bararka, waxaanu yidhi “Sixir baraku waa wax dalka ka jira, ilaa shilinka Somaliland lacag ahaan loo aamino, sicir bararka iyo sarif bararku istaagi maayo, munaasib-na maaha in shilinka Somaliland la dacaayadeeyo. Waanan arkayay shirkado diidaya shilinka Somaliland, taasina maaha wax la aqbali karo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply