Xukuumadda Somaliland oo Furtay Waddo 8 Sanno Colaado u Xidhnayd oo aan la Isaga Gudbi Jirin

0
303

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii u horraysay ku guulaysatay in ay furto waddo muddo siddeed sannadood ah colaad iyo dagaalo beeleed u xidhnayd, oo aan la isaga gudbi jirin, wadadaas oo isku xidha Qorilugud iyo Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo socdaal shaqo ugu maqnaa maalmihii u dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle ayaa si rasmi ah u soo furay wadada isku xidha Buuhoodle iyo Qriligud oo muddo siddeed sannadood ah aan la iskaga gudbin

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ba ay aad Xukuumadda ugala shaqeeyeen nabada, isla markaana ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin nabadda, sidoo kalena heshiis laga gaadhay wixii hore u kala gaadhay in magteedii la kala qaato.

Wasiirka Hawlaha guud oo xalay waraysi kooban khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan isaga oo ku sugan caasimadda Hargaysa, waxaanu yidhi isaga oo ka jawaabayay su’aal hawlaha nabadaynta ah ee uu u tegay gobolka Buuhoodle, waxaanu yidhi “Socdaalka aanu ku tagnay deegaankaas waxa uu ahaa mid nabadayn ah oo dadka walaalaha ah la isugu keenayay. dadkaas oo muddo badan kala xidhnaa oo colaaddi kala xidhay, laakiin iyaguna imika nabadda u oomanaa oo ah dad aan kala maarmayn oo wada dhashay, laakiin wax kasta oo jirayba imika waanu soo dhammaynay oo odayaashii deegaanka ee labada dhinacba aad ayay gacan nooga siiyeen, waxaana la isla qaatay in nabad gelyada laga wada shaqeeyo, wixii labada dhinac kala gaadhay ee mag ahaana waxaa loo ballamay in 21 cishi ka dib la isaga yimaado. Waddadii isku xidhaysay Qoriliugud iyo Buuhoodle oo muddo siddeed sanno ah xidhnaydna waanu soo furnay oo isu socodkii labada dhinacba wuu ka bilaabmay, waanay furan tahay imika.”

Wasiirka oo la waydiiyay sababaha waddadu muddada intaa leeg u xidhnayd, colaadda ka sakaw in ay siyaasadi ku jirtay, ayaa ku jawaabay “horta dadku waa walaalo oo dad kala maarmi kara maaha, colaad kasta oo dhacdana waa laga wada hadli karaa waanay dhammaan lahayd laakiin waxaan odhan karaa kollay gacmo siyaasadeed kamay madhnayn. Somaliland cadaw badan ayay leedahay meelkasta oo uu is yidhaahdo jaanis ayaa kaaga bannaan ayaanu soo mari karaa, dhankan iyo dhankaa midkastaba ha joogee, laakiin ALLE wuxuu nagu guuleeyay in dadkii walaalaha ahaana aanu gacanta isu saarno, waddadiina aanu u furno oo ay isu socdaan iyagoo isu soo boholyoobay oo is jecel. waxaa keliya ee aan ku waaninayaana waxay tahay in ay nabad gelyadooda iyo wada dhalashadooda wada ilaashadaan. ka xukuumad ahaanna wixii nala gudboon oo ay dhismayaasha waddooyinku ugu horreeyaan waanu bilaabaynaa, waxaanan aad ugu bogaadinayaa odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac oo si xilkasnimo leh hawshaa noogala shaqeeyay, dadkeenuna waa dad wada dhashay oo walaalo ah oo u baahan in la isu soo dhaweeyo oo aan la kala fogayn.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay cabasho shaqaalaha wasaaraddiisa ee ku hawlan hagaajinta jidadka magaalada Wajaale ay kaga cawdeen maamulka degmadaas ayaa yidhi “arrintaasi way isoo gaadhay laakiin xaqiiqadeeda waxaan ka hadli doonaa markaan tago ee aan soo arko siday wax yihiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply