Xildhibaan Dheeg oo Maalgelinta Dekadda Ku Tilmaamay Horumarkii ugu Weynaa ee Somaliland

0
420

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa horumarkii ugu weynaa ee ay Somaliland ku tallaabsato abid, ku tilmaamay maalgelinta shirkada Dp World ku samaynayso dekeda Berbera.

Waxaanu sheegay in maalgelinta dekeda Berbera iyo heshiiskaasi ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadaDp World ee lagu casriyaynayo dekeda Berbera ay horseed u tahay dawladnimada Somaliland.

Xildhibaan Dheeg, oo shalay u waramayay wargayska Dawan, waxa kaloo uu tilmaamay in uu isagu hore ugula taliyay xukuumadda Somaliland in ay ka leexdaan qorshihii arrintaasi ay ka qaadatay dawladda federaalka Xamar khilaafkii u dhexeeyay dawladda Qadar iyo xulafadda Sucuudiga.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada Dp World ee lagu maalgelinayo lagu-na casriyaynayo dekeda Berbera, Waa horumarkii ugu horeeyay ee Somaliland ku talaabsatay intii ay jirtay, ee horseedka u ah dawladnimadeena.

Maalintii madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay in dhexdhexaad ka yihiin khilaafka ka dhex oogan dawlada Qadar iyo xulifada Sucuudigu hogaaminayo ayaan u tegay wasiirkii madaxtooyadda ee hore waxaanan ku idhi shirka golaha wasiirrada ka soo jeediya in aynu taageerno haddii aynu nahay Somaliland xulufada Sucuudiga oo aynu ka baydhno halka ay Soomaaliya taageertay”.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu ka hadlay arrinta sicir bararka oo beryahan danbe si weyn u wada saamaysay bulshadda, waxaanu sheegay in sicir bararka iyo sarif bararka dalka ka taagan ay sabab u tahay qiimo dhac ku yimid isticmaal la’aanta lacagta shilinka Somaliland.

Waxaanu soo jeediyay xildhibaanku in dalka laga mamnuuco wax ku iibsiga lacagta doolarka ah. “Sicir bararka waxa keenay waxa weeye lacagteenii ayaa faro badatay 500 boqol wax bay goyn jirtay 5000 kun waxay goynaysaa wixii 500 goyn jireen.

Ta labaad Itoobiya Qaad iyo Khudrad ayaa inooga yimaada doolar ayaa lagaga bedelaa, waxa inooga imanaya Itoobiya. Markaa waa in Itoobiya la yidhaahdo gobol kastoo Somaliland ah ka furta Baan, oo lacagta Itoobiya wax nagaga iibsada.

Dadka reer Somaliland waa in ay shilinka Somaliland wax ku iibiyaan oo doolarka laga mamnuuco in wax lagu iibiyo” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply