Golaha Wakiillada oo Dood adag ka Yeeshay Xeerka Goleyaasha Deegaanka

0
310

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood adag ka yeeshay Xeer-nidaamiyaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka dalka iyo qaabka xil ka qaadista maayarada iyo ku-xigeenadooda.

Xeerkan oo golaha hor yaallay ayay Fadhigii shalay ay yeesheen mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha mudane Baashe Maxamed Faarax,ayay mudaneyaashu dood adag ka yeesheen wax ka bedelka xeernidaamiyaha goleyaasha deegaanka.

Mudaneyaasha golaha wakiilada,ayay qaarkoodsoo jeediyeen in la yareeyo xubnaha goleyaasha deegaanka oo ay tilmaameen in loo baahan yahay in ay noqdaan kuwo wada shaqayn kara isla markaana loo baahan yahay in la helo goleyaal kooban oo aan culays ku ahayn degmooyinka laga soo doortay,halka xildhibaanada qaarna ay soo jeediyeen in xeer-nidaamiyaha goleyaasha deegaanka loo saaro guddi ka soo baaraan degta isla markaana wax ka bedel iyo kaabis ku soo samaysa kuna soo celisa golaha wakiilada.

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki “Anigu waxaan xildhibaanada kala mid ahey oo aan qabaa in wax laga bedelo habka loo doorto xubnaha golaha deegaanka maayaradooda ”

Xildhibaan Ibraahim Caraale waxaa uu soo jeediyay in la meel mariyo qodobka ah in laba meeloodow meel ahaani ay xilka ka qaadan maayarka iyo ku xigeenkiisa “Golaha deegaanka ee 25-ka xuybnood ka kooban marka la yidhaaho laba meeloodow meel ahaan ayaa maayarkii iyo ku xigeenkii ay doorteen lagu ridi karaa waxaan anigu leeyahay waa mustaxiil waana waxaan suuragali kareyn, ummada laguma maamuli karo, anigu waxaan adkeynayaa haddii 13 xubnood laga dhigo golaha deegaanka ee caasimada oo kalena 21 laga dhigo, waana tiro macquula oo ninkaasi xubnihii doortay daryeelkooda iyaguna ay u hoggaansamaan, oo uu hagi karo oo uu maamuli karo, haddii kale waxaa lagu xidhay dabar aanay maamuli kareynin, una talin kareyn hagi karin ayay noqoneysaa markaa waxaan soo jeedinayaa awalba innaga ayaa ka bedele in hal dheeri lagu celiyo, anigu waxaan leeyahay yaynaan u tuugeynin maayarada xildhibaanow, ”

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ku dooday in aan maayarada iyo ku xigeenadooda loo xidhin danta ummada waxaanu yidhi “Waa tiro aad iyo aad u badan oo degmadii kharash gareynaya markaa tiro loo baahan yahay Hargeysi waa 25 bajad faro badan oo degmooyinka wax u tari lahaa ayaa ku baxa iyaga uun, ninkii maayarka ahaana dhawr xildhibaan ayuu doonaya inuu ku naasnuujiyo hantidii qaranka waana cashuurtii hooyooyinka waxaa uu xildhibaanada ku naasnuujinayo inay kursigiisa ilaaliyaan, danta ummaduna u dabranaanmeyso una xidhnaan meyso maayar iyo maayar ku xigeen”

Xildhibaan Maxamed Xirsi Cali Obaama waxaa uu ku taliyay in gudi loo saaro ka soo baaran degta xeernidaamiyaha deegaanka “Mooshinka dariiqa aad ku wado ku wad mooshinkan farta haloo taago, waxaan leeyahay oo aan anigu gacanta u taagayaa in aynu hakino oo aynu joojino, sida ugu dhakhsaha badanna gudi culus oo farsameysan oo xeerkaa daadejisa in la magacaabo oo isla wagti danbe haduu doono qodobkani haku jiro”

“Waxaan leeyahay sagaalka bilood ee inoo hadhay nidaamkii wuu isbadelay madaxweyne cusub ayaa la doortay shalay waxaa uu joogay xarunta dawlada hoose mid waliba imika wuu baqanayaa waxaan soo jeedinayaa in arrintu sidaa ay imika tahay ay ahaato” Ayuu yidhi xildhibaan Xaamuud

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply