Dal Caalamka Saamayn ku Leh oo Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland

0
308

Hargeysa (Dawan):- Dal ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan caalamka isla markaana ka mid ah dalalka Carabta, ayaa aqoonsaday Baasaboorka Somaliland, ogolaadayna in si toos ah dalkooda loogu tegi karo.

Dawladda Imaaraadka Carabta oo ah xuddun isku xidha isu socodka caalamka isla markaana ah xarun ganacsi oo isku xidha qaaradaha dunida ayaa aqoonsatay in dalkeeda lagu soo galo Saddexda Nooc ee uu ka kooban Yahay Baasaaboorka Somaliland, kuwaas oo kala ah baasaabooradda ay qaataan shacabku, Diplomasiyiinta iyo ka shaqaalaha dawladdu.

Sidaasna waxa caddeeyay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay tani u tahay bilawga aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

“Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa madaxda dawladda Imaaraadka Carabta oo uu ugu horreeyo Sheekh Khaliifa, tallaabada geesinimada ah, ee xaqqa ah ee ay qaadeen, taariikhdana waxa ay ka geli doonaan baal dahab ah.

Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa In saddexdeenii Passport ee Diplomat, Service iyo Kii shacabkaba ay aqlabaan In lagu galo dalkaasi, waxaanay bilaw u tahay aqoonsiga Somaliland, waxaanan u rajayaa in ay waddamo badanina ay ku dayan doonaan.

Waxaanay caruurteena iyo hablaheenu ka raysan doonaan Baasaaboor ay u doontaan Garoowihii lagu bahdilayay, waxaanu insha allaah uu keenu noqon doonaa kuwa adduunka ugu qaalisan” ayuu yidhi faysal Cali waraabe oo Bulsho u Waramayay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply