Somaliland oo Heer Dawladnimo Kaga Qayb Gelaysa Shir Caalami ah oo Kulminaya 140 Dal

0
262

Hargeysa (Dawan)- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaga qayb gelaysa heer dawladnimo shir caalamai ah oo lagu qaban doono dalka Imaaradka Carabta todobaadkan oo ay ka soo qayb gelayaan 140 dal oo caalamka ka kala socda.

Shirkan oo qorshaysan in uu qabsoomo sagaalka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee todobaadkan oo ah shir caalami ah oo lagaga hadli doono maalgashiga caalamiga ah isla markaana ay ka soo qayb gelayaan dalal badan iyo shirkado waawayn oo caalami ah isla markaana maal gashiyo kala duwan ku leh caalamka.

Shirkan oo ay Somaliland uga qayb gali doonaan wasiiro iyo safaaradda Imaaraadka Carabta ee Somaliland ayay Somaliland weftiga metelayaa yeelan donaan maamuuska heer dawladnimo isla markaana calanka Somaliland ka dhex muuqan doonaa calamada madasha shirka ka babanaya.

Danjiraha Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo qoraal kooban oo uu shirkaas kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook,ayaa intaa ku daray in Safaaradda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabtu dedaal dheer ugu jirto sidii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta xidhiidhkoodu u sii xoogaysan lahaa isla markaana Somaliland u kasban lahayd maalgashiyo kale oo caalami ah.

Qoraalka Danjire Cawil oo dhammaystiran ayaa u dhignaa Sidan. “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmi ah uga qayb gali doona shir caalami ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, laguna magacaabo ANNUAL INVESTMENT MEETING oo ka dhici doona dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Innaga oo calankeenii sidanna codkeeniina ku hadlayna fursad weyn ayay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u tahay inuu ka mid noqday martida sanadkan lagu soo casuumay oo ka badan 140 dal.

Xubnaha Somaliland uga qayb geli doona ayaa noqon doona Wasiirka Ganacsiga Warshadaha & Dalxiisa Mudane Maxamuud Xasan Sacad iyo Wasiirka Horrumarinta Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Maxamuud, waxaana loo ballansan yahay inuu qabsoomo April 9-11 2018, goobta uu ka dhici doonaana ay noqon doonto Dubai World Trade Centre.

Ugu dambayntii Safaaradda Jamhuuriyadda Somalialnd ay ku leedahay UAE ayaa galisay dadaal badan Sidii loo xaqiijin lahaa xoojinta Xidhiidhka Labada dal iyo Labada shacab ee Somaliland Iyo Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply