Xukuumadda oo ku Guulaysatay Diwaan Gelinta Shaqaalaha Ajaanibka ah

0
287

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada shaqo-galinta, arimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in ay soo gabogabeeyeen tirakoob ay ku sameeyeen dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan.

Hinda Jaamac Xirs ayaa tilmaantay in ay ka wasaarad ahaan ka duulayaan ballan-qaadkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee xiligii olalaha doorashada madaxtooyadda ee ahaa in shaqo abuur la sameeyo, isla markaana ay diwaan-galiyeen dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan iyo wadamada ay ka soo jeedaan. waxaanay carabka ku adkaysay in loo baahan yahay in la ogaado tirada shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.

Marwo Hinda oo shalay hadal ka jeedisay munaaasibad lagu xusayay maalinta shaqaalaha adduunka ee kowda bisha May, waxay tidhi “Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, iyada oo tixgalinaysa muwaadiniinta reer Somaliland, anaga oo ka duulayna ballanqaadkii madaxweynaha ee xiligii olalaha ee ahaa sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa sanadkiiba 16 kun oo shaqaale ah, waxa aanu diwaangalinay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan, shaqada ay hayaan iyo wadamada ay u dhasheen.”

Wasiir Hinda waxa ay intaasi raacisay “Hawshaa tirakoobka aanu ku samaynay dadka ajaanibka ah waanu soo dhamaynay. waana in la ogaado tirada shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, si ay u soo baxdo inta shaqaysa, taasi oo xukuumaddu xal u raadinayso lana kaashanayso shirkadaha iyo ganacsatada reer Somaliland ee tiir dhaxaadka u ahaa shaqo abuurka, awaamiirta madaxweynaha Somaliland waxa ay na farayaan in aanu daryeelno shacabka reer Somaliland, waxaana aan tacsiyadaynayaa wixii khasaare ka soo gaadhay roobkii iyo daadadkii soo rogmaday.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply