Goormaynu Dareennaa Ubaxa Daranyeysan?

0
548

Ubaxa daranyeysan ee ay bacadka iyo boodhku  isku qabteen, cago-caddaantana  ku joogaa waa mid aad looga naxo. ma haysataan hoy ay ka galaan daranyada, cadceedda, dhaxanta iyo roobka. waxay huwadaan Cirka, dhulkana way gogladaan, maadaama oo aanay hu iyo hoy midna lahayn.

Xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin waa mid aad looga deyriyo, waxa ay da, yaraan ku bilaaban qabatinka nuugista maandooriyayaasha gaar ahaan xabagta waxaay quutaan hanbada cuntada hudhaalada iyo guryaha lagasoo daadiyo  , aadbey ugu nugul yihiin iney qaadaan cuduro badan, ku darsoo dhaxamaha bustaha kaaga soo gudba ee aad ka seexan waydo ayey u feedho qaawan yihiin amaba ay kartoon iyo bac xun dusha iska saaraan, dhaxan iyo TB bay hore ka qaadaan mana haystaan waalid, Dawladda iyo shacabk u  damqada oo daweeyo

Mid ka mid ah caruurta guryo la’aantu asiibtay oo dareenkiisa sugaan ku cabiray ayaa yidhi “Badh baa daacuun u go’ay, Markay waayeen dabiib, Badh bay dhaxamuhu dileeen, Dufaankiyo  qabawga daran, Badh baa daad soo rogmaday, Habeen dumay uu la tegay, Naftooda badh baa deldelay, Markay noloshii naceen. Duruuf adag baan ku koray, Daryeel hooyana ma helin, Dadaal aabana ma arag, Tol iyo xidid ii damqada, Dadkana kuma lihi walaal, Waxaan u hoydaa derbiga.

Dhinaca kale, marka laga yimaado ubadka derbi jiifka ah, sidoo kale waxa jira iyaguna Hooyooyin derbi jiifta ah, oo iyaga iyo ubadkeeduba aan haysa wax hoy ah, kuwaas oo aan helin xannaanadii looga baahnaa in ay Hooyadu hesho si ay iyada iyo ilmaheeduba u badbaadan, taasi oo ay ka dhalato xaalad bani-aadmino.

Derbi jiiftu waxey iskugu jiraan wiilal iyo gabdho, halka ay gabdhuhu hadda si xawli ah ugu soo kordhayaan. Dhammaantoodaa sida la sheegay waxaa lagula kacaa tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin  kufsi.

waxa jira kiisas badan oo kufsiyo loogu gaystay gabdhaha yar yar ee derbi jiifta ah, sida ay noo xaqjiijyeen bahda Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo ururada xuquuqal insaanka, kuwaasi oo isugu jira kufsi uga yimaada derbi jiifta kale, ama dadka kale ee ka faa’iidaysanaya duruufta iyo dayaca ka haysta, kuwaas oo u badan dadka mandooriyaasyaha xun xun qabatimay.

Arrintan ah kufsiga lagula kaco hablaha yar yar ee darbi jiifka ah ayaa keeni karta in ay dhashaan ubad aan aabo lahayn. Sidoo kale, waxa iyana halkaas ka dhalan karta in uu faafo cudurada galmada la isu gudbiyo, sida HIV AIDS, kaasi oo si fudud bulshada ugu baahi kara haddii ba aan wax laga qaban tacadiyadaas lagula kacayo hablaha yaryar ee darbi-jiifta ah.

Caruurta derbi-jiifka ah ayaa intooda badani waxa isticmaalaan cabista Xabagta oo ka mid ah waxyaabaha maan-dooriyaha ah. Haddaba Cabdiraxmaan Xako oo ka mid ah da’yarta derbi-jiifka ah, ayaan waydiyey sababta ku kaliftay cabbista Xabagta, waxaanu ku jawaabay “Qofba si ayuu uu cabbaa, anigu waxaan uu cabbayaa, waxaan arkay Caruurta saxiibaday oo isticmaala, anna way i bareen, hadana waan la qabsaday oo waxaan u cabbayo ma ba Xasuusto. haddaan waayo waxaan aminsanahay in aan dhimanayo”.

Xilligi aan la kulmaayay Carrurtan ayaa waxa ay ahayd xilli qoraxdu ay aad u kululayd, waxaana indhahaagu qabanayeen dad badan ku socda guryahooda, iyaga oo saaran gadiidka raaxada iyo gadiidka dadweyanah. Halka ay carruurtani ahaayeen kuwo iskaga daalaa dhacaya wadooyinka magaaladda.

Guntii iyo gabo-gabadii, xaaladda nololeed ee carruurtan derbi-jiifka ah, ayaa mid aad u liidata, isla markaana si xawli ah isu soo taraysa, una baahan in si wada jir ah wax looga qabto, isla markaana loo fidiyo gurmad aan loo kala hadhin, xukuumad ahaan, hay’addaha samo-falka, ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Somaliland, si loo badbaadiyo mustaqbalka nolosha ubadkan.

Kuwii dadka ii xigaan

Agtooda ku daal-qabaa

Maxaan calnoyow deldelan

Dar-xumo hoostaada iyo

Lur iyo dalan-dool ku maray

Afeef: Xuquuqda Eray waxa ay u dhawrsan yihiin Abwaan Cabdirixiin Sidiiq – Heello. Waana Maansada Darbi Jiif ee uu ka curiyey dareenka caruurta la dayacay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply