Gobolada Dalka oo si Weyn Looga Debbaal-degay Xuska 27 Guurada 18-ka May

0
264

Hargeysa (Dawan)- Gobolada iyo degmooyinka waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guud ahaan si weyn looga debbaal degay xuska maalinta qaranka ee 18-ka May, taas oo ah maalintii madaxbannaanida Somaliland lagaga  dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer sannadkii 1991-kii, muddo haatan laga joogo 27-sanadood.

Dadweynaha ku dhaqan gobolada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muujiyay dareenka iyo shucuurtooda wadaniyadeed, waxaanay soo bandhigeen sida ay uga go’antahay difaaca iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana bulshada ku dhaqan magaalooyinka iyo gobolada dalku ay isugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay xuska maalintani qaran.

Dhanka kale ciidamada iyo bulshaweynta kala duwan ee reer Somaliland ayaa socod gaardis ah ku maray jidadka waa weyn ee halbowlayaasha u ah, degmooyinka iyo  magaalooyinka waa weyn ee dalka. Waxaana goobahaasi lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo indhaha dadka soo jiidanaya oo ay ku weynaynayeen xuska maalinta qaran ee 18-ka May, iyaga oo islamarkaana calanka qaranka Somaliland ku gaashaaman.

Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, ururada bulshada, shaqaalaha, ardayda dugsiyada iyo kuwa Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa socod ku maray jidadka iyo goobihii loo asteeyay xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Togdheer:– Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo xuska maalinta qaran ee 18-ka May kala qayb galay dadweynaha reer Burco oo isu-soo-baxyo aan loo kala hadhin ka sameeyay gudaha magaaladaasi ayaa beesha caalamka ugu baaqay in aanay dhagaha ka fureysan rabitaanka shacabka Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay  kuna hanbalyeynayaa umada reer Somaliland in meelkasta oo ay joogaan, ay uga dabaaldegayaan maalintii ay garteen inay dib ula soo noqdaan xoriyadooda, oo ah 18/5/1991-kii oo lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, dadweynaha reer Burco waxaan leeyahay hanbalyo, Somaliland wixii soo gaadhay dhibaato, qax, dagaal sokeeye iyo ku shisheeye, ee ina soo qabsaday waad garan kareysaan, dhalinyarada waxaan  leeyahy dheg-how dhigina waxa yar ee dhexdeena ka dhacay, in yar oo dan leh  oo is leh wax ku gilgisha ayaa waxan inaga dhex wada, inaad waxaa dhageysataan maaha, kuwa dhibtu ku dhaceysaa waa haweenkeena, hooyooyinkeen hablaheena, iyo dhalinyarada ubaxa ah ee soo koraya.”

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu baaq dheer u diray beesha caalamka oo iska dhegaha ka furaysatay ictiraafka ay Somaliland xaqqa u leedahay, waxaanu yidhi “Waxaannu leenahay beesha caalamku inay dhagaha ka fureysato maaha afarta malyan ee reer Somaliland rabitaankooda iyo himiladooda oo ah inay qaran madax bannaan noqdeen, iyada oo maxmiyadii Ingiriiskaba ay bulsho gaar ahi ku nooleyd.”

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa ka sheekeeyay dhibtii iyo rafaadkii loo soo maray helitaanka maalintan qaran ee 18-ka May, waxaanu yidhi “Ciidanka qaranka Somaliland ha guuleysto, shacabka qaranka Somaliland ha guuleysto, walaalayaal waxaa aynu u debbaal deggaynaa maalinta loo asteeyay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, maalintaasi oo taariikhdeeda iyo siday ku timid iyo halgankii loo soo maray, burburkii loo soo maray, aad ka wada dharagsan tihiin. 18-ka May waxaa ay ku timid dagaal qadhaadh, barkac, xasuuq badan kadib, halgan dheer kadib, waxaana dib loola soo noqday goboladii waqooyi galbeed ee uu gumeysan jiray markii hore gumeystihii Ingiriisku, waxa leysla gartay 1991-kii isku darkii aynu ku lugoney inaynu dib uga soo noqono, Somaliland miyaynu maamul yar oo diciifa oo Puntland oo kale ah baqo uga qabnaa, miyaynu dawlad fadhiida oo aan madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho aan soo dhaafin uga baqnaa? Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar cid uga baqi meyno weynu xuseynaa maalinteena horumarkeena inaga ayaa xaq u leh, hishiisyada caalamiga ah inaga ayaa galeyna, cid aynu kala tashaneynaa ma jirto, inaga ayaa u dabaal degayna, gacanta midigna weynu ku dabaal dageynaa ta bixidna weynu ku dagaalamaynaa, nabad-geliyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dawlada ka masuula, cidii isku dayda nabad-geliyada gobolka Togdheer inay khalkhaliso walaahi bilaahi tolaahi u dulqadan meyno”

Maayirka  magaalada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasibadda qaranka ee 18-ka May, waxaanu yidhi “Waxaa aynu maanta xusaynaa 27-guuradii ka soo wareegtay  maalinta qaranka ee 18-ka May, waa maalin inagu weyn, oo qalbiga qaranka Somaliland ku weyn, waa maalin aynu  ku diirsanay, waa maalin taariikh aad iyo aad u weyn inagu leh taasi oo aynu kaga samirnay konton kun oo wiil oo aan curan, aabayaashood, hooyooyinkood oo xornimadan u naf waayay, maanta weynu dabaal degaynaa ciidamadeeni qarankuna jiida hore ayay diifaca qaranimadooda kaga jiraan”

Awdal: Shacabka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaan u kala hadhin xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, munaasibadan ayaa aheyd mid xooga saaraysa laba arrimood oo kala aheyd baaqyo nabadeed iyo hanbalyada musaasibada maalintan bilan ee boqran ee 18-ka May.

Maayirka magaalada Boorama Maxamed Xuseeen Maydhane ayaa hadal u jeediyay dadweynaha reer Boorame ee u debbaal degayay maalintooda qaran ee 18 May, waxaanu yidhi “Maanta waa maalin weyn waa maalintii la soo noqoshada xornimadda Jamhuuriyadda Somaliland, aad baan ugu faraxsanahay sida mugga iyo miisaanka leh ee bulshaweynta reer Boorama ugu soo baxeen xuska iyo weyneynta maalintani, waxaan halkan uga mahad celinayaa dadweynaha ku nool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal sida ay shucuurtooda u muujiyeen una xuseen maalinta qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka may, waxaan baaq nabaddeed u dirayaa umada aynu walaalaha nahaya ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel-afweyn, waa inay joojiyaan colaada iyaga oo u tudhaya dalkooda iyo dadkoodaba”

Salel. Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel ayaa lagu qabtay munaasibad aan loo kala hadhin oo lagu weynaynayay xuska  27-guurada ka soo wareegtay maalintii Somaliland ay xornimadeeda kala soo noqotay dalkii Soomaaliya leysku odhan jiray, waxaana halkaasi ay dadweynaha debbaal degayaa ku soo bandhigeen wacdaro iyo waxyaabo badan oo soo jiitay indha dadka.

Duqa degmada Saylac ahna gudoomiyaha golaha deegaanka mudane Sacad Daahir Cige oo halkaasi khudbad mug iyo miisanle ka jeediyay ayaa yidhi “Waxaynu nahay dad iyo dal isku tashaday waxaynu nahay dal dimuquraadiya, dimuquraadiyadeena iyo horumarkeena waxaad ku garaneysaa, shan madax weyne ayaa isa soo badelay, maantana waxaa uu gaadhay horumar dhinacyo badana”

Badhasaabka gobolka Salel mudane Mawliid Maxamed Nuur oo isna goobtan loo asteeyay xuska munaasibadan ayaa yidhi “Dhab ahaanti waa maalin weyn oo inagu qaaliya qiima weyna inoogu fadhida bulshoweynta qaranka Somaliland, waana maalin ka duwan Maalmaha kale, waana maalintii rageena wadanka maanta ka talinaya dhabarka lagu siday, Illaahasi ayaynu u mahad naqaynaa inagu simay dalkeeni oo nabada iyo dadkeeni oo nabada, waxaanan halkan salaan uga dirayaa madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacil Saylici, taliyayaasha ciidamada qaranka iyo saddexda gole qaran iyo guud ahaanba shacabka Somaliland

Saaxil:- Cabdiraxmaan Maxamed Cidin maayirka golaha deegaanka ee magaalada Berbera oo kumaanan ka mida shacabka magaaladaasi kala hadlay fagaaraha saldhiga magaalada ayaa Illaahey ka baryay in cadawga Somaliland uu ka dhigo mid jaba waxaanu yidhi  “Waxaa aynu maanta xusaynaa qaranimadeeni iyo jiritaankeeni, waxaa jira cadaw aynu leenahay oo fara badan, cadawgaasi Alle ha jabiyo ciidankeena Alle ha guuleeyo, waxaan idiin sheegayaa oo aan ku celinayaa waxaynu ku murmaynaa waxaynu nahay dad islaama, waxaanaynu sidanaa towxiidkii, waxaana calankeena ku xardhan Lee Ilaaha Ila-laahu Maxamedow Rasuuululaa, Lee Ilaalaha Ilaalaah miyaa koonkan looga baqa oo looga warwaraa, Somalilandna Illaaheybaa ilaashanaya”

Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Timacade ayaa bulshada ugu baaqay inay Illaahey ugu mahad naqaan guusha iyo nabada ay ku soo gaadheen mudadaasi 27-ka sano ah waxaanu yidhi  “Waxa aynu xusaynaa  sanad guuradii 27-naad ee ka soo wareegtay xuska maalinta qaran ee 18-ka may, 27-guuradan ayaa ka soo wareegtay markii aynu xornimadeeni dib ula soo noqoney sandkii 1991-kii, walaalayaal waad og tihiin dalkani mudada 27-ka sano ah in isaga oo aan ictiraad heysan, heerkaa uu soo maray, iyo halka aynu maanta taaganahay oo ah in aynu Ilaahey ugu xamdi naqno uguna shukrino”

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, oo dadweynaha reer Berbera kala qayb galay debbaal degga munaasibadda qaranka ayaa halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu yidhi “Waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba idiinka mahad celinaynaa iyada oo lagu jiro wakhti kulul hadana inaad isu-soo-baxyo balaadhan oo aad ku weynayneysaan maalinta qaran ee 18-ka ka muujisaan shaariicyada magaalada Berbera”

Gabiley: Magaalada Gebilay ee xarunta gobolkaasi ayaa sidoo kale si weyn looga xusay 27-guuraddii ka soo wareegtay maalinta qaran ee 18-ka may, waxaana shacabka degmadaasi xuskani kala qayb galay masuuliyiin kala duwan waxaana goobtaasi hadal ka jeediyay xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) waxaanu yidhi “May waa maalin taariikhiya kuna suntan qaranimadeena, May waa markii dalkan la xoreeyay ee wadanka la soo galay, tan maantuna waa maalin aynu Garoowe gali doono”

“Waxaanu idinka mahad celineynaa sidii wanaaga laheyd ee quruxda badneyd ee aad ugu soo banbaxdeen xuska munaasibada 18-ka May, oo aan filayo Hargeysa mooyane meel kale oo idinka banaan-bax balaadhani,

Hawd: Maayirka golaha deegaanka ee magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd Cabdi Iidan oo meel fagaare ah kala hadlay bulshoweynta kala duwan ee gobolka Hawd ayaa yidhi “Guul Somaliland ha noolaato, Somaliland ha noolaato, Somaliland ha noolaato, waxaan leenahay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi mudane madaxweyne meeshani waa meeshi aad deganeyd, waxaanu ka codsaneynaa inaad hoos noo eegto uguna horeysiiso wadada Hargeysa iyo Baligubadle isku xidha”

Sidaasi si la mida ayaa gabi ahaanba degmooyinka, magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan ayaa si weyn looga xusay munaasibadda 27-guurada ka soo wareegtay maalinta qaran ee 18-ka May.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply