Taliye Taani oo ka Hadlay Guulaha Ciidanka Qaranku Gaadhay

0
269

Tukaraq (Dawan): Taliyaha ciidamadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye guud  Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Ciidamada qaranku ay jebiyeen, isla markaana  hub iyo gaadiid ka furteen ciidamadda maamulka Soomaaliyeed ee Puntland oo weerar qaawan ku soo qaaday.

Waxaanu  tilmaamay in ciidamadda Puntland ay dorraad laba aag ka soo weerareen ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee aaga Tuka-raq, hase yeeshee ay iska caabiyeen weerarkaasi, isla markaana ay ciidamada qaranka Somaliland halkaasi ka soo hooyeen guulo waaweyn.

Sarreeye gaas Taani, oo shalay warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan jiidda hore ee aaga dagaalka, waxa kale oo uu  sheegay in  dagaalkii ay dorraad ciidamadda maamulka Puntland ku soo qaadeen iyo midkii ay shalay ku soo qaadeenba ay si xun ugu jabiyeen, khasaare ballaadha-na ay gaadhsiiyeen.

Nuux Ismaaciil Taani, oo dagaalkaasi iyo sida uu u dhacay faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Shalay (dorraad) oo ay bishu ahayd 14, waxa na soo weeraray ciidanka Puntland, oo naga soo weeraray jiidda Hawdka. Laba jeer ayay na soo weerareen, subaxnimadiina mar ayay na soo weerareen, duhurnimadii ilaa gabaldhiciina way na soo weerareen.

Weerarkaasi ciidamadda Puntland waa la iska celiyay, waxaana ka dhintay intaanu og nahay 3 askari, waxaana ka dhaawacmay 5 askari. Anaga weerarkaa shalay (doraad) waxba naguma gaadhin”.

Geesta kale sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa uu sheegay in shalay subaxnimadii ay mar kale ciidamadda qaranku laba aag ka soo weerareen, isaga oo xusay in dagaalkaasi oo muddo 4 saacadood ah socday ay ciidamadda Puntland kaga qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiis  badan. Waxaanu yidhi “Saaka (shalay) subaxnimadii ilaa 7-dii aroornimo, weerar ballaadhan oo laba jiho ah, oo dhinaca Hawdka iyo xagga Garoowe ama God-qaboobe, ayaa ciidamo ballaadhani naga soo weerareen, dagaalkaasina muddo 4 saacadood iyo badh ah ayuu socday, dhimasho iyo dhaawcba way jiraan, dhinac walba ha ahaatee.

Waan ka saarnay ciidamadda Puntland  God-qaboobe iyo aaga kale-ba, waanan jebinay, labadii aag ee ay naga soo weerareen-ba. Waxaanan ka qabsanay 6 baabuur oo mid Taangi yahay, maxaabiis badana waan ka qabanay, dhaawac badana waa la hayaa. Dhulkii ay markii hore ciidamadda Puntland joogeena imika anaga ayaa joogna. Maanta anaga ayaa guusha joogna waanan ka kaxaynay aagagii ay joogeen”.

Dhinaca  taliyaha ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu hambalyo u diray guud ahaanba ciidamadda qalabka sida, iyo shacabka munaasibadda qaran ee 18-ka May oo shalay si  weyn looga xusay dalka iyo dibada-ba.

“Ummadda Somaliland-na marka hore waxaan leeyahay ciid wanaagsan, munaasibadda qaran ee 18-ka May awgeed. Marka labaad-na waxaan leeyahay ciidankiinu wuu guulaystay, xagga Hargaysa-na salaantii madaxweynaha ayuu ka maray” ayuu yidhi sareeye gaas Taani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply