Saylici oo Daah-furay Barnaamij Madaxweynuhu Maalgeliyey

0
280

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaadaah furay barnaamij aad u qiimo badan oo khayri ah oo uu maalgaliyay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo loogu talo galay in lagu afuriyo dhammaan maxaabiista ku jirta jeelasha Somaliland looguna magac daray Maxbuus la Afur Madaxweynahaaga.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa daah-furay Barnaamij cusub oo lagu afurin doono dhammaanba maxaabiista ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka, kaas oo uu maal-geliyey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana la magac baxay “MAXBUUS LA AFUR MADAXWEYNEHAAGA”.

Munaasibad uu madaxweyne ku-xigeenku ku daah-furayey barnaamijkan cusub ee lagu afurinayo maxaabiista ku jirta jeelasha dalka, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka Caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo taliye-ku-xigeenka ciidamada Asluubta sarreeye guuto Xasan Cali Dheere, waxaanay masuuliyiinta kaqayb galay munaasibadda daah furka barnaamijkan khayriga ahi ay faah-faahin ka bixiyeen faa’iidooyinka uu leeyahay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo daah furka Maxbuus la afur Madaxweynahaaga hadal kooban ka jeediyaya, ayaa yidhi.  “ummadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa in madaxweynuhu gartay bisha barakaysan ee Ramadaan darteed in la afuriyo maxaabiista ku jirta dhammaan jeelasha Somaliland, tiradii ay doontaba ha ahaatee, iyada oo la sharfayo maadaama ay xorriyadii ka maqan tahayna waxaa uu Madaxweynuhu gartay in ay madaxweynaha la afuraan.”

Wasiirka caddaaladda Somaliland, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa  Madaxweynaha ku  bogaadiyey barnaamijkan cusub ee maxaabiista jeelasha dalka ku jirto lagu afurinayo, waxaanu  tilmaamay in tallaabadan madaxweynuhu gadh-wadeenka ka yahay marag ka tahay sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda Aadamaha , waxaanu yidhi. “Waxa aanu halkan u joognaa daah-furka barnaamijkan muhiimka ah oo aanu soo bandhignay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo iyagu nala qaatay fikirkan, waxaana halkaas kaaga muuqata sida ay u tixgelinayaan kooxda xidhan, iyaga oo ilaalinaya maxaabiista oo nafaqayna, waxa kale oo halkaas ka muuqata inay Jamhuuriyadda Somaliland ilaalinayso xuquuqda Aadamaha oo dhan, waxanan ugu talo galnay inuu barnaamijkani noqon doono mid socda.”

Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay taliye-ku-xigeenka ciidamada Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye guuto, Xasan Cali Dheere,waxaanu Madaxweynaha uga mahad celiyay xilka uu iska saaray maxaabiista jeelasha ku jirta ee ay ciidan ahaan gacanta ku hayaan iyo xilka aanay qaadi karayn ee  uu ka furtay.

“Aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa mashruucan la magac baxay, MAXBUUS LA AFUR MADAXWEYNEHAAGA, oo ah barnaamij uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu talo galay inuu ku afuriyo maxaabiista xabsiyada dalka ku yaalla  oo ka kooban 14-xabsi ku xidhan kuwaas oo uu soddonka bisha ramadaan madaxweynuhu ugu talo galay inuu ku afuriyo, waxaanay muujinaysaa dedaalka ay madaxweynaha iyo ku-xigeenku ugu jiraan inay muwaadiniinta wax la qaybsadaan, mid xidhan iyo mid aan xidhnaynba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply