Wefti Heer Qaran ah oo Booqday Jiidda Hore Farriin Adagna u Diray Soomaaliya

0
273

Tukaraq (Dawan):- Wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayao guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, Khayraadka  Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa booqday jiidda hore ee ciidanka qaranka ee Tukaraq ee gobolka Sool oo dorraad dagaal gardarro ah ay ku soo qaadeen ciidanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay deegaanaada maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay dagaalka gardarada ah ee Somaliland lagu soo qaaday iyo siday ciidanka qaranku iskaga difaaceen duulaankii cadawga kaga yimi waxaa uu yidhi “Ciidammada Somaliland waxa lagu yaqaan meesha ay tagaan in ay dadka  taakuleeyaan  oo ay la saaxiibaan  wixii ka dhintay  ciidanka qaranka Somaliland ALLE  janadii hageeyo  wixii ku dhaawacmayna ALLE ha inoo bogsiiyo,waana   dagaal   lagu   qasbay   ee maaha dagaal aynu qaadnay ciidanka qaranka waxa ay joogaan dhulkii ay u dhaarteen   waxaana aanu u sheegnay beesha caalamka   in  ciidanka qaranku joogayaan  Tukarakaraq,    waxay is yidhaahdeen   ka gaadhsiiya inta lagu   maqanyahay dabbaal-degga xuska 18 May,waana ciidan lagu seexan karo una tudha dadkiisa.”

Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay maleeshiyaadka dagaalka soo qaaday oo uu sheegay in ay yihiin kuwo la soo qalday isla  markaana lasoo lumiyay oo wax qaldan loosoo sheegay ayaa ciidanka qaranka kula dardaarmay in ay illaaliyaan oo ay xannaaneeyaan wixii ay ka qabtaan ee ay nolol ku abtaan,waxaanu yidhi.  niman kaa maleeshiyada ah ee la soo habaabiyay ee marka ay idin arkaan yaacaya  wixii aad qabataan xannaaneeya  Putland waxa aan leeyahay yaan been laydiin sheegin waxa idinka soo horreeyaa  waa waxaad  aragtaan   waxaanan salaan idiika sidnaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland   Muuse    Biixi Cabdi.”.

Wasiirka wasaaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise  Axmed  Yuusuf    ayaa  aad ugu dheeraaday nabad gelyadu sida ay u wanaagsan taahy iyo sida ay Somaliland in badan ugu dedaashay in nabad lagu wada noolaado oo aan colaad laga dhex hurin  Somaliland iyo Soomaaliya soohdinta ay wadaagaan laakiin Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ay nabadu deeqi wayday oo ay qaadan kari waayeen.

Waxaanu ciidanka qaranka ku bogaadiyay sida ay cadawga uga gacan sarreeyeen iyo  dhirbaaxada lama illaawaanka ah ee ay ku dhufteen.“nabadu waa shay qaaliya waxaana cad in la qaadan waayay nabadii aanu ku baaqaynay  wixii dhashayna waa la arkay  waxaanan ciidanka iyo saraakiisha ugu hambalyaynayaa   guusha  ay  gaadheen,waxaan maanta(shalay) joognaa meeshii aynu markii hore difaaca kaga jirnay  waxaanay caddaynaysaa in ciidanka qaranka aanu weerar ahayn,”.

Ugu dambayn weftiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland,ayaa waxaa halkaa isna ka hadlay wasiirka Wasaarada Horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Ayaa meesha kasaaray in ciidanka qarnla Somaliland cid duulaan ku yahay iyo in Somaliland ay doonayso in ay qabsat ayaa isaguna waxa uu tilmaamayo Garoowe,waxaani intaa ku daray in ay laba kala yihiin haybta la wadaago iyo qarannimada Somaliland  “Garoowe  si aanu udhawrno xuquuqdeeda caasimad nimo  meel Garoowe   loogu  socdaa majirto  kuwa loo reer sheeganaya waxa aanu leenahay waar reer nimada cidi nagama laha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply