Xisbiyada Somaliland oo u Midoobay Difaaca Qaranka

0
347

Hargeysa (Dawan) Saddexda xisbi qaran ee Somaliland KULMIYE, WADDANI IYO UCID, ayaa sheegay in ay meel uga soo wada jeedaan difaacista qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay taageero mug iyo miisaan leh u  muujiyay ciidamada qaranka  ee jiida hore.

Sidaana waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buuba iyo gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamed Cali Jiir.

Hadalkan masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ayaa ku soo beegmay xili ay xaalad colaadeed iyo dagaalo ka taagan yihiin degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo Arbacadii dorraad dagaal kululi ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland oo duulaan gardaro ah halkaasi ku soo qaaday.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye  Axmed Cabdi Dheere, oo ugu horrayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca qarannimada Somaliland, sida ay xisbiyadu ugu mideysan yihiin taageerada ciidamadooda, waxaanu yidhi “Weerarkii gardarada ahaa ee dawlada faderaalka Soomaaliya  ku soo qaaday ciidamada qaranka Somaliland ee xadkiisii jooga, iyo deegaankiisi, weerarkaasi oo mid iyo laba toona aan aheyn ee shanta jeer ka badneyd oo ciidamada qaranka Somalilandna si fiican oo aan warwar laheyn u difaaceen, waxaana aynu u baahannahay in aynu is garab taagno ciidamadeena, nabadeenana dad badan oo jaarkeena ahi waa ay ka xun yihiin, Illaahey nabad ayuu ina siiyay, ciidamadeenana weynu ku seexannaa ee aynu is garab taagno. saddexdayada xisbi qaran ba waanu ka simannahay difaaca qaranka, bulshaduna ha u midowdo.”

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Jiir (Madoobe)  oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa maamulka Puntland uga digay weerarada gardarada iyo gaadmada ah ee ay ku hayaan ciidamada qaranka Somaliland, waxaanu sheegay haddii ay joojin waayaan in ciidamada Somaliland ugu tegi doonaan goobta laga soo abaabulayo, waxaanu yidhi “Waxaynu wada ogsoonahay, sidii ciidanka faderaalka Soomaaliya uu weerarka ugu soo qaaday ciidankeenna iyo sida uu heeganka u yahay jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waa ciidan akhlaaqiyaad leh, laakiin haddii la soo gardareysto, tababarka ay qabaan waxa ay ku filan tahay inay difaacaan, aagaga ay joogaan iyo xuduudaheeda, 25-jeer ka badan ayay ina soo warareen oo la iska difaacay, haddii ay joogi waayaanna ciidanka qaranka Somaliland halkaas ku ekaanmaayo ee waa ay dhaqaaqi doonaan, ma dooneyno in dadka Puntland joogaa inay qaxaan, amase dhibaato ku dhacdo, hase ahaate waxaanu uga digeynaa, haddii wakhtigan wax ka danbeeya ay dhacdo in gardaro iyo gaadmo ay ku hayaan ciidamada qaranka Somaliland inuu ciidanku dhaqaaqi doono, islamarkaana ay tagi doonaan goobaha laga soo abaabulayo, waxaanu leenahay joojiya rabshada Puntlandney, ciidankuna deegaanka ay joogaan waa deegaankiisi, waxaanu halkan u joognaa saddexdayada xisbi qaran inaanu taageerno ciidamadayadas, shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na aanu u sheegno inay taageeraan, isla markaana heegan u galaan sidii ay ciidamadooda u taageeri lahaayeen”

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, gudo iyo dibadba in ay  taageeraan difaaca iyo wada jirka qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu uga xunnahay iyada oo bishii barakeysneyd ee Ramadaan lagu jiro in dhiiga ciidamada sifo sharci-darro ah leysugu daadiyo, waanan ku canbaareynaynaa weerarkaa cid kasta oo ka danbeysay, sidii madaxweynaha qaranka Somaliland sheegay in dawlada Xamar dabada ka riixeyso dagaalkani, si gaara ayaanu ugu canbaareynaynaa dhacdadaa foosha xun ee maalinkii shalay dhacday, waxaanu u sheegeynaa iyaga iyo qayrkoodba in Somaliland 27-jirsatay oo ay qaangaadhay, iskana difaaci karto, iskana celin karto cid kasta oo weerar gaadmo ah ku soo qaada, toban jeer ka badan inta ay ina soo weerareen aad baanu u canbaareynaynaa, abaalkiina ayaad ka heli doontaan, haddii aad ka joogsan weydaan, taageerayaasha xisbiga Waddani gudo iyo dibadba waxaan ugu baaqayaa inay dhammaantood is garab taagaan difaaca iyo wada jirka xalinta qaranimada. Cadaw kasta oo dibada kaga soo duulana ay meel uga soo wada jeestaan, waana muqadas lama taabtaana, waana baaq aan u dirayo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply