Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay in Aanay Dawlad u Aqoonsaneyn Puntland

0
280

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa caddaysay in maamul goboleedka Puntland aanay u aqoonsanayn dawlad, laakiin ay tahay gobol  iyo  maamul ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul yar oo ka tirsan Soomaaliya.

Wasiirku waxa kale oo uu caddeeyay in ciidamada weerarka ku soo qaaday  Somaliland ay yihiin kuwa laga soo kala ururiyay gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu wasiirku xaqiijiyay in goobihii fadhiisinka u ahaa ciidamada maamul goboleedka Puntland ee ku jiray gudaha xuduudka Somaliland in  ay gacanta ku hayaan ciidamada qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo, isaga oo arrintaasi ka haydlayana waxa uu yidhi “Sida ay dad badani ka war qabaan, maalinkii shalay (dorraad) ayaa ciidamada dawladda Soomaaliya ay gardaradii caadada u aheyd ay ku soo qaadeen ciidamadda qaranka Somaliland, ee fadhigoodu yahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. halkaasina waxa dhab ahaan ku gacan sarreeyay ciidamada Somaliland, dorraad abaaro todobadii subaxnimo ayaa iyaga oo isleh ka faa’ideysta debbaal-dega munaasibada 18-ka May, ayay weerar kale Tukaraq xaga galbeed iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen, islamarkiibana waa la caabbiyay, waana laga gacan sarreeyay, goobihii fadhiisinka u ahaa ciidamada weerarka soo qaadayna waxaa gacanta ku haya ciidamanka qaranka Somaliland, mar kale ayay isku dayeen inay hadana weerar soo qaadaan, iska caabin xooggan ayaaney kala kulmeen oo mar walba ciidamadayada qaranka ayaa ku gacan sarreeyay.”

Dhanka kale, waxa uu cadeeyay wasiirka wasaaradda warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo in cidda weerarka soo qaaday ay aheyd ciidamo laga soo ururiyay gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaanu yidhi “Dhab ahaan anagu (Somaliland) uma aqoonsanin in Puntland dawlad ay tahay ee waa maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya, sidaasi darteed kuwa soo duuley waa ciidan leysaga soo ururiyay meelo badan oo dalkaas ah, sidaa darteed waanu iska celinay. sanadkan bilowgiisii 25-jeer ayay xad-gudubyo ku soo sameeyeen Somaliland.

Puntland waxaa ay ka mid tahay gobolada dawladda federalka Soomaaliya, sidaa darteed ka Boosaaso jooga iyo ka Kismaayo joogaba waxaa ay ka mid yihiin Soomaaliya, mid kasta oo ku labisan direyska ciidanka Soomaaliya anagu waxaannu u aqoonsanahay in uu ka tirsan yahay Soomaaliya”

Wasiir Guri-barwaaqo oo ka hadlayay ujeedada ay dagaalka gardarada ah ugu soo qaadeen Somaliland, ayaa yidhi “Dagaalkan waxaanu ku sababeyn karnaa waxa ay is yidhaaheen waa ay dagan yihiin oo wey debbaal degayaan maalintii la soo noqoshada qaran ee Somaliland, nabad-geliyada wadankana khalkhal-geliya, imika bulshada Somaliland yar iyo weynba diyaar bay u yihiin in aanay gardaro dambe u dulqaadan, Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa war dhafoor ayuu ku yaallaa. idinka ka BBC ahaan waxa wanaagsaneyd idinku in aad  cagihiina ku tagtaan oo runta soo xaqiijisaan, laba beelood ismay dilin markaa beelaha is dila ayaa loo diraa baaqyada iyo gurmadka, ciidan baa soo gardareystay dal jira iyo ciidamadiisii qaranka. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an nabad-geliyo, daris wanaag iyo kalgacal inay cid wal oo dariskeeda ah ba u heyso haddii ay nabad-geliyo diyaar u yihiinna, waa inay ciidamadooda kala baxaan xuduudka Somalilan,” ayuu yidhi wasiirka wasaarada dhaqanka wacyigalinta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Gurbarwaaqo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply