Dhacdo Xanuun Badan: Wiil 16 Jir ah oo Masiibada Dufaanta Sagar ku Waayey Labadiisa Waalid iyo Walaaladii

0
273

Lughaya (Dawan)- Ibraahim Muuse Cabdi oo ah wiil da’ yar oo lix toban jir ah oo wax ka barta deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada Lugyaha ee gobolka Salal , ayaa labadiisi waalid iyo lix carruur ah oo ay walaalo yihiin ku waayay masiibaddii ka dhacday deegaanada Xeebta ee gobolka Awdal.

Daadadka ka dhashay roobabkii dabaylaha watay, looguna magac daray duufaanta Sagar ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay xeebaha galbeedka Somaliland, ayay ku naf-waayeen lix-da carruur ah iyo labadoodii waalid, kadib markii daad qaaday gurigii ay degenaayeen qoyskan masiibadu halleeshay.

Wiilka dhalinyarada ah ee ay masiibadu haleeshay qoyskooda oo la hadlay Wariye Mukhtaar Mursal Xiin ayaa si qiiro leh ugu war bixiyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo xejin kari la’ ilmada indhihiisa soo dhaafaysa, waxaanu yidhi “Aniga sideed qof ayaa iga geeriyooday, lix aanu walaalo nahay, hooyaday iyo aabahay, anigu xaafadayada maan joogin oo waxaan ku maqnaa dhanka iskuulka aan wax ka dhiganayay. markii ay qaadeen roobabkii iyo duufaantii, ayaan is idhi soo eeg gurigiini, markaan tegeyna waxaan la kulmay reerkii oo dhamaantii geeriyooday iyo meeshii oo biyo isu badeshay.”

Ibraahim Muuse Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in qoyskoodii ay ka hadheen isaga iyo gabadh kale oo ay walaalo yihiin, dhamaan intii kalena ay ku qudh-baxeen masiibadii dhacday, waxaanu yidhi “Aniga iyo gabadh kale oo reer leh ayaa ka nool qoyskayagii oo ka hadhnay, qof kasta oo wareysi iga rabayna waxa uu i xusuusinayaa dhimashada waalidkay iyo ubadkayaga.”

Waxa waajib inagu ah in dhammaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland xil weyn iska saaro nolosha Ibraahim Muuse Cabdi, isla markaana loo noqdo hiil oo la garab istaago, isla markaana lala qaybsado murugada iyo masiibada halleeshay, si uu u dareemo inuu leeyahay dawladda iyo shacab garab taagan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply