Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka oo Daahfuray Mashruuc Cusub

0
257

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa shalay magaalada Hargeysa ka daah-furay wajiga labaad ee mashruuca casriyaynta Kaadhka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka dadweynaha.

Mashruuucan oo ay wasaaradda gaadiidka Somaliland hore uga hirgalisey Gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil ayaa shalay wejigiisi labaad tababar loogu furay dhamaan isuduwayaasha wasaaradda, ee gobolada dalka, waxaana kulankaasi laga shaaciyay in hadda ka danbeeya kaadhkan casriga ah ee dhaqdhaqaaqa gaadiidka laga bixin doono dhamaan Gobolada dalka.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aynu isugu nimaadno kulankan ama tababarkan, runtii tababarkani laba ujeeddo ayuu xambaarsan yahay, ujeedada koowaad waa in la idinku tababaro nidaamlka technology-ga ah ee Wasaaraddu qaadatay, qodobka labaadna waa isbarasho, maadaama oo aydun Wasaaradda ku cusub tihiin dhamaantiin, aad baan ugu faraxsanahay in aan idiin furo tababarkan.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Laga bilaabo maanta marka aad tababarkan qaadataan wixii ka danbeeya Wasaaraddu waxa ay joojin doontaa in la isticmaalo buugii hore, waxa aynu isticmaali doonaa kaadhkaa oo inoo sahlaaya inaynu markiiba xogta ogaano. sidaa awgeed waxa aan idiin iclaaminayaa in aan buugii hore loo isticmaali doonin mid cusub duplicate iyo kala wareejin. Kaadhadhkaa ayaynu isticmaali doonaa, faa’iidooyinka kaadhkani waxaa kamid ah wakhtiyadii hore marka aynu u baahano xog muddo ayay inagu qaadan jirtay, laakiin imika waxa ay idinku qaadanaysaa wax ka yar ilbidhiqsi, inaad marka aad numberka galisaan heshaan xogta gaadhigaasi qofka leh , chessis number-kiisa, model-kiisa iyo dhammaan xogtiisa oo dhan.”

Sidoo kale waxa uu Wasiirku goobta uga mahadnaqay shirkadda GTS, waxaanu yidhi “Qodobka labaad ee aan jecelahay maanta waxa weeyaan in aan u mahadnaqo shirkaddan GTS, runtii waxa ay inoo keentay hal-abuur cusub.”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxa uu sharraxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay faa’iidada uu kaadhkani u leeyahay arrimaha amniga iyo sida uu nidaamkani dowladda ugu fududayn doono cashuur ururinta gaadiidka.

Waxa kale oo halkaasi hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Shirkadda GTS Khaalid Sheekh Muxumed Sheekh Yusuf, waxaanu yidhi “Shirkadda GTS waa shirkad waddani ah, isla markaana programs-ka ay samaysaa ka shaqeeyaan wadamo badi Africa ku yaal, Shirkadda ahdaafteeda u mudan waxaa kamid ah soo bandhigida IT Solutions ka qaybqaadan kara kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.”

Khaalid Muxumed Sheekh Yuusuf waxa uu intaasi raaciyay “Mashruucan Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Somaliland oo hore loogu guuleystay ka hirgalintiisa Gobolada Maroodi Jeex iyo Saaxil ayaynu maantana u fadhinaa in aynu ku tababarno isuduweyaasha Wasaaradda Gaadiidka ee gobolada, si looga bixiyo dhammaan gobolada dalka”.

Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo isna hadal ka jeediyey kulankan ayaa yidhi “ Kulankeenan waa hawshii koobaad ama seminar-kii koobaad ee shaqo qaran ah ee aad u timaadaan xarunta caasimada idinka oo tababar halkan la idinku siinayo sidii loo balaadhin lahaa Kaadhka Dhaqadhaqaaqa Gaadiidka dadweynaha oo ay Wasaaraddu ka hirgalinayso dhamaan gobolada dalka”

Cali Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolajiyadda oo hadal ka jeediyey madasha ayaa wax uu yidhi” Wasaaradda Gaadiidku ha cusboonaato balse iyadaa hogaaminaysa horumarka iyo innovation-ka maanta waa taa systemkii u horeeyay casriyeysay, system aan la casriyeyn 25 sanno ayay ku dhiiratay.

Agaasimaha waaxda Liisamada iyo Buugaagta Ayaan Cabdicasiis ayaa munaasibaddaasi hadal ka jeedisay waxaanay tidhi “Shaqadani waxa ay ku koobnayd Hargeisa iyo Berbera balse waxa aan imika ku faraxsanahay in shaqadii iga kala fududaan doonto oo gobol walba dalka uu gaarkiisa u bixin doono kaadhkii dhaqdhaqaaqa gaadiidka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply