Xukuumadda oo ka Hadashay Gurmad Cir iyo Dhul ah oo loo Fidiyay Dadkii Duufaantu ku Dhufatay Farriinna u Dirtay Caalamka

0
289

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay gurmad cir iyo dhul ah oo ay gaadhsiisay dadkii roobabkii dabaylaha iyo duufaanka watay ay ku dhufteen ee xeebaha galbeedka Somaliland iyo xaaladdu sida ay imika tahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo socdaal cirka ah ku gaalaabixinayay maalmihii u dambeeyay deegaanada gobolada Awdal iyo Selal ee roobabkii duufaanta watay ay ku dhufteen ayaa gaadhsiiyay gurmadyo kala duwan oo isugu jiray cunto, biyo, dawo iyo dhar.

Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland aad ugu dheeraaday baaxadda dhibaatada ka dhacday deegaanadaasi iyo gurmadka loo baahan yahay oo uu sheegay in uu yahay mid wayn, kana badan awoodda Xukuumadda, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan gurmadka lagu samato-bixinayo dadkaasi tabaaloobay.

Madaxweyne ku xigeenka oo socdaalkii ugu dambeeyay ee uu gurmadka ku gaadhsiiyay dadkaasi tabaaloobay, ayaa kadib markii uu ka soo noqday la hadlay warbaahinta waxaanu yidhi “xalay (habeen hore) waxaanu qorshaynay in labadii diyaaradood ee ay keentay dawladda Inaaraadka Carabtu in ay min sadex jeer oo laba diyaaradood ah in ay tagaan, waxay tageen oo ay imika soo fuliyeen min laba goor oo noqonaya araf duulimaad. waxa kale oo ay imika (shalay) samaynayaan duulimaad laba diyaaradood ah, waxa kale oo aanu qorshaynay in deegaanada wixii dhulka la marin karo in dhulka looga gurmado, wixii aan dhulka baabuurtu mari karinna in ay diyaaraduhu ay sii wadaan gurmadka.”

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay qasaaraha hantiyeed ee dhacay, waxa uu yidhi “Maanta dadkeenii cidla ayay taagan yihiin wixii noolaa. laamiga Gabilay wixii waqooyi ka xiga illaa Xariirad, wixii xoolo ku noolaa way bexeen oo waxna daad baa qaaday waxna qabaw ayaa dilay, wixii beer la odhan jirayna badda ayuu ku daray. markaa waxaa Somaliland ka baxay xoolo iyo beero wixii ay lahayd ee deegaanadaas ku dhaqnaa oo dhan, markaa maanta qoyskii xoolo lahaana cidla ayay joogaan, kii beer lahaana cidla ayuu ka jooga, kii hore u soo caydhoobay ee dadka la joogayna kaba sii daran, maraak qaranka dhaqaalihiisii in badan ayaa ka baxday. kii soo baro-kacayna maanta cidla ayuu jooga. markaa waxaan samaynaynaa gurmadku in uu noqdo mid qaran. waxa kale oo jirta dhammaan wixii ceel biyood ahaa ee deegaanada degmada Lughaya laga sameeyay oo dhami way wada baa’ba’een oo ceelashii Gargaara, Bari, sollarkii dabka iyo waashmaankiiba daadku wuu qaaday.”

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay waxay dadku u baahan yihiin ee deg degga ah ayaa yidhi “imika dadkaasi wax kasta way u baahan yihiin, dhar wixii guryaha inoo yaalla ee aynu ka baxnay way u baahan yihiin, hoy ayay u baahan yihiin, markaa wixii lagu tari karaba way u baahan yihiin. dadka ciddii agab ku tabo rucaysaana waxay ku soo hagaajinayaan hay’adda gurmadka masiibooyinka, waxa kale oo aynu u baahanahay in gurmadkeenu uu noqdo mid aynu maamulno oo aynu qorshayno oo noqda mid la ogyahay oo wax ka tara dhibaatada meesha taalla.”

Mudane Saylici oo ka hadlayay sida loogu baahan yahay in la midooyo hawlaha gurmadka oo meel keliya laga hago iyo baaxadda hantida ku baxday ee lagu waayay ayaa yidhi “waxaa meesha ka dhacay qasaare aad u baaxad weyn oo waxaa ku baxay oo la waayay hanti malaayiin dollar ka badan. markaa gurmadku wuxuu noqonayaa ee ugu horreeya waxaa uu yahay in dadkaa horta in lala gaadho wax ay ku noolaadaan oo ah dawo iyo cunto, waxaa innoogu xiga in dadkaa wixii xoolo ka bexeen dib loo xooleeyo, wixii beero lahaana in dib loogu beero, wixii guryo ku dumayna in dib loogu dhiso, waxaanan diraynaa oo soo qiimaynaya wasaaradaha xoolaha iyo beeraha iyo hawlaha guud. markaa waxaan dadka u soo jeedinayaa in akoonada baanka dhexe looga sameeyay in ay gurmadka ku soo hagaajiyaan. maanta uma baahnin nin yar oo sadex boqol la cararaya oo qabyaalad ku soo diyara oo suldaan cidla iska jooga ku soo hagaajinaya, sadexdiisa boqol waxba ma tarayaan, laakiin markaynu isu geyno ee aynu meel ku wada shubno ee aynu waxaynu hayno iyo waxa inaga soo gaadha dawladaha aynu saaxiibka nahay, markaan isku darno ee aan meel ka wada gurmano ayay dadkeena wax u taraysaa,wixii dollar ah waxaa lagu soo shubayaa 575, wixii Somaliland shilin ahna waxaa lagu soo shubayaa 574.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo si dareen leh uga hadlayay baahida dadkeena duufaantu ku dhufatay ay qabaan, ayaa yidhi “maanta dadkeenaasi wax kasta way u baahan yihiin oo haddaad macawis iyo shaadh aad bixiso wax tar ayay u tahay, waxaanad ku soo hagaajin kartaan wixii agab ah oo dhan Hay’adda gurmadka masiibooyinka. waxaa kale oo aanu dawlad ahaan dadka u sheegaynaa in dadkeena sida loogu gurmanayaa ay tahay mid qaran oo aanu u maamulayno oo aanu ku gargaarayno. in la is garab yaaco oo qofba meel wax yar la ordaana mid dadkeena wax u taraysa maaha, markaa dadkeena wax haysta ee dadkooda u gurmanaya hadday dibad joogaan iyo hadday gudaha dalka joogaanba waxaan ka codsanaynaa wixii ay ku tarayaan dadkooda in ay akoonadaa ugu soo shubaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply