Badhasaabka Awdal oo ku Baaqay in la Mideeyo Hawlaha Gargaarka Dufaantii Sagar

0
366

Boorama (Dawan): Badhasaabka gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali, ayaa ugu baaqay cid kastoo doonaysa in ay gar-gaar gaadhsiiso dadka ku nool degaamadii ay dufaantu dhibaataysay in ay xafiiska badhasaabka gobolka soo maraan.

Waxaanu uga digay hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo ururadda bulshadda rayidka ah in aanay si toos ah isaga tegi Karin goobaha ka tirsan gobolka Awdal ee dufaantu ku dhufatay ilaa ay ogolaanshiyo ka helaan badhasaabka gobolka.

C/raxmaan Axmed Cali, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Boorama, ayaa sidoo kale uga mahad celiyay hay’adaha caalamiga, ururadda bulshadda iyo hay’adaha waddaniga ahba sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen hawlaha gurmadka degaamadii dufaantu ku dhufatay ee gobolka Awdal.

Badhasaabka Awdal, arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhamaanba hay’adaha kala duwan, ururadda bulshadda rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, waxaan uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee ay ilaa hadda uga qayb qaateen hawlaha gurmadka ee degaamadii dufaantu ku dhufatay ee gobolka Awdal”.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan farayaa cid kastoo gar-gaar u wadda dadka dhibaatadu ka soo gaadhay dufaantii Sagar, in ay soo maraan xafiiska gobolka, xogta-na ka qaataan. cidina toos uma tegi karto goobaha dhibaatadu ka dhacday, iyagoon xafiiska badhasaabka gobolka soo marin” ayuu yidhi guddoomiye C/raxmaan.

Geesta kale badhasaabka Awdal uu fariin u diray ururadda iyo hay’adaha hawlaha gar-gaar bixinta ka wadda degaamadii roobabku khasaaraha gaadhsiiyeen ay u xil saareen guddi ka kooban wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah oo gacanta ku haya xogta saxda ah ee meelihii dufaantu haleeshay.

Sidaas darteed-na ay guddigaasi la soo xidhiidhaan, si ay uga helaan xogta saxda ah ee saamaynta dufaantii ka tagtay.

Waxaanu yidhi “Waxaan ku wargelinayaa cid kastoo hawlo gurmad ka wadda goobihii dufaantu dhibaataysay ee gobolka Awdal ka tirsan, in aan magacawnay guddi ka kooban, wasaarradaha dawladda, ururadda maxaliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, oo xafiiskoodu ku hogaaminayo ay gacanta ku hayaan, ururinta iyo dhamaystirka xogta saxda ah, meelihii dufaanku ka dhacay.

Sidaas darteed, cid kasta waxaanu ku wargelinaynaa, in ay xafiiska badhasaabka gobolka Awdal soo maraan, si ay xog sax ah u helaan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply