New York: Somaliland oo Aqoonsiga Qadiyadeedda u Rogaysa Danaha Istiraatiijigga ah ee Caalamka

0
21

Hargeysa (Dawan) Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee magaalada New York, waa socdaal ka ballaadhan booqasho diblomaasiyadeed oo caadi ah. New York waxay leedahay muhiimad gaar ah oo diblomaasiyadeed, maadaama ay tahay xarunta Qaramada Midoobay, isla markaana xilligan ay martigelinayso kal-fadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ay isugu imanayaan madaxda, wasiirrada arrimaha dibadda iyo wufuud heer sare ah oo ka kala socda dalalka dunida.

Sidaa awgeed, joogitaanka Madaxweyne Cirro ee New York wuxuu Somaliland siinayaa fursad muhiim ah oo ay ku gaadhsiin karto farriinteeda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed dhinacyo badan oo caalami ah, isla markaana ay ku sii xoojinayso xidhiidhada iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Maadaama oo ku soo beegmayo xilli New York wuxuu ay martigelinayso kal-fadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ay isugu imanayaan madaxda iyo wufuudda heerka sare ee dalalka dunida. Iyada oo la qorshaynayo in ku dhowaad 130 hoggaamiye ay ka qaybqaataan kulamada heerka sare ee sannadkan.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan (Cirro), ayaa gaadhay New York, kaddib wejigii labaad ee socdaalkiisa Maraykanka oo ka bilaabmay Washington, halkaas oo muddadii uu joogay kulamo muhiim ah kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, xilibaanada labada gole, xarumo siyaasadeed iyo cilmi-baadhiseed kuwaas oo la xidhiidhay danaha Somaliland, amniga gobolka iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Washington: Somaliland oo Diblomaasiyadda u rogtay dano istiraatiiji ah:

Kulamadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay Washington waxay muujinayeen jihada ay xukuumadda Somaliland doonayso inay u qaabayso xidhiidhkeeda Maraykanka: in qaddiyadda Somaliland lagu xidho danaha istiraatiijiga ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Amniga marinnada badda, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, ganacsiga caalamiga ah, maalgashiga, Dekedda Berbera iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland ayaa ka mid ahaa arrimaha lagu soo qaaday kulamadii Washington. Sidoo kale Madaxweyne Cirro ayaa ku soo bandhgay diyaar-garowga Somaliland ee iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelato Maraykanka.

Kulankii uu Madaxweyne Cirro la yeeshay Senator Ted Cruz-na waxa si gaar ah loogu sheegay in diiraddu saarnayd aqoonsiga Somaliland, xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, amniga, iskaashiga dhaqaale iyo xasilloonida gobolka. Tani waxay muujinaysaa jihayn diblomaasiyadeed oo muhiim ah: qaddiyadda Somaliland oo aan lagu soo bandhigin oo keliya dood ku salaysan taariikh, sharci iyo rabitaanka shacabka, balse sidoo kale lagu xidho danaha istiraatiijiga ah ee dunida maanta.

Sidaa darteed, Madaxweynaha Somaland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo diirrada saaraya dedaallo diblumaasiyadeed oo firfircoon waxa uu dawladda Maraykanka iyo guud ahaan beesha caalamka hor dhigay su’aal ka ballaadhan aqoonsiga: taas oo ah “Maxay Somaliland ku soo kordhin kartaa amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka, haddii loo aqoonsado ama loo ballaadhiyo xidhiidhkeeda caalamiga ah?”

Kulamada dhinacyada, shirarka gaarka ah iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ka dhaca hareeraha Golaha Guud waxay Somaliland siin karaan fursad ay si toos ah ugu bandhigto aragtideeda siyaasadeed, isla markaana ay ku dhisto xidhiidho cusub. “Haddii Washington uu ahaa meel lagu xoojinayo xidhiidhka Maraykanka, New York waxay noqon kartaa meel lagu ballaadhiyo wareegga diblomaasiyadda Somaliland. Sidaas awgeed, qiimaha safarka New York laguma cabbiri karo oo keliya waxa laga sheego maalmahan, balse waxa ka muhiimsan xidhiidhada laga dhisayo iyo waddooyinka siyaasadeed ee la furayo.

Berbera, Badda Cas iyo miisaanka juqraafiyeed ee Somaliland

Mid ka mid ah qodobbada siinaya Somaliland muhiimad istiraatiiji ah waa meesha ay kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Badda Cas. Dekedda Berbera iyo xeebta Somaliland waxay ku yaallaan meel u dhow marinnada ganacsiga caalamiga ah ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda Berbera iyo juqraafi ahaan Somaliland marka laga hadlayo amniga Badda Cas, isaga oo Washington ku soo bandhigay in Somaliland doonayso inay noqoto lammaane lagu kalsoonaan karo oo ka qaybqaata amniga iyo xasilloonida gobolka. Tani waa angalka diblumaasiyadeed ee siyaasadda Somaliland ka samayso isku-xidh: “aqoonsi, amni, ganacsi, maalgashi iyo juqraafi.” Isku-xidhkaas siyaasadeed ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee dooda Somaliland ka dhigaya mid ku saabsan dano wadaag ah, halkii ay ku koobnaan lahayd oo keliya codsi aqoonsi.

Fursaddaha Diblumaasiyadeed:

Socdaalka New York wuxuu xukuumadda Somaliland siinayaa fursad muhiim ah oo ay ku sii xoojiso dooddeeda caalamiga ah. Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay ka daah-fureen Maraykanka, gaar ahaan Washington olole diblumaasiyadeed oo la taaban karo kuwaas oo diirrada lagu saarayo: xidhiidho cusub, wada-hadallo joogto ah, iskaashi dhaqaale, iskaashi amni iyo taageero siyaasadeed oo lagu horumarin karo ajandaha Somaliland. Sidaa darteed, waxa ugu muhiimsan ma aha tirada kulamada la qabto ama sawirrada laga qaado, balse waa waxa kulamadaasi ka dambeeya oo ah xidhiidh rasmi ah oo lagu abuurayo iskaashi ku dhisan dan wadaag.

New York: Fagaaraha Cusub ee Diblomaasiyadda JSL:

Guntii iyo gabagabadii: Safarka Washington wuxuu ahaa wejigii lagu xoojinayey xidhiidhka siyaasadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka. New York-na fagaaraha cusub ee Diblomaasiyadda Somaliland, taas oo furaysa bog cusub oo Somaliland ay farriinteeda ku gaadhsiinayso dhinacyo kala duwan iyo diblumaasiyad ka badan hal dal. Isla markaana Somaliland ay ku muujinayso kaalinteeda ku aadan amniga Badda Cas, ganacsiga caalamiga ah, maalgashiga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Ugu dambayn, safarka New York waa ka badan yahay booqasho diblomaasiyadeed. Waa fursad lagu soo bandhigayo awoodda istaraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sida qaddiyaddeeda siyaasadeed ee Somaliland ay saamaynta ugu leedahay danaha istiraatiijiga ah ee dunida, taas oo ah qodobka ugu weyn ee Madaxweynaha Somailland doonayo in uu u bedelo iskaashi juqraafi-siyaasadeed iyo dhaqaale oo kudhisan xasillooni, ganacsi iyo maalgashi. “Safarka Washington wuxuu furay albaabadai; New York na waa fagaaraha dhammaystirka.”