“Soomaaliya Sida Fiinta ayay uga Qaylisay Safarka Madaxweyne Dr. Cirro ee Mareykanka”

0
10

Hargeysa (Dawan) Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa sheegtay in safarka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee Maraykanka iyo kulamada uu halkaasi ka wado ay Soomaaliya ku abuureen walaac iyo falcelin xooggan, iyadoo ugu baaqday shacabka Somaliland inay ka fogaadaan kala qaybsanaanta siyaasadeed, isla markaana ay mideeyaan taageerada dadaallada aqoonsi-raadinta iyo difaaca qaranimada.

Faadumo Siciid oo ka hadlaysay safarka Madaxweynaha ayaa xustay in Soomaaliya marar kala duwan si adag uga falcelisay tallaabooyinka Somaliland ee ku wajahan aqoonsiga iyo xidhiidhka caalamiga ah. Waxay tusaale u soo qaadatay jawaabihii Muqdisho ka bixisay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya, iyo falcelintii ka dhalatay dadaallada Madaxweyne Cirro ee aqoonsi-raadinta. Waxaaney tidhi.“Soomaaliya waligeedba way qaylin jirtay, markii Madaxweynihii Soomaaliya xilligii heshiiskii Muuse Biixi uu MOU-ga meel walba wuu maray, markii Madaxweyne Cirro aqoonsiga keenayna sida fiinta ayuu uga qayliyay,”

Waxay sheegtay in socdaalka Madaxweyne Cirro ee Maraykanku yahay hawl qaran oo aan loo arki karin mid ku kooban xisbi ama dhinac siyaasadeed, maadaama Madaxweynaha qaranku u baxay kulamo iyo hawlo ay la xidhiidhaan danaha Somaliland. Waxaaney tidhi.“Madaxweynaheeni dalka Maraykanka ayuu ku maqan yahay, kulamo aad u qiimo badanna wuu galay. Kulamadii is-daba-joogga ahaa, kuwa warbaahinta lala wadaagay iyo kuwa aan lala wadaaginba, dad badan ayaa sida fiinta uga qayliyay,”

Waxay intaas ku dartay in xaaladda maanta Somaliland ka taagan tahay aanay ahayn arrin u gaar ah mucaarid, muxaafid ama xisbi gaar ah, balse ay taabanayso qaranimada iyo mustaqbalka dalka. Waxaaney tidhi. “Xaaladda hadda taagan mucaarid, muxaafid iyo xisbi midna gaar uma aha. Maanta waa Qarankii JSL iyo astaantii Somaliland, sababtoo ah madaxweynihii qaranku safar taariikhi ah ayuu u baxay. Marka in aynu taageerno oo soo dhaweyno mooyaane, in aynu cadawgeenna u raacno oo dhaliilno iima muuqato,”

Faadumo Siciid ayaa ku baaqday in dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Somaliland ay ka mideysnaadaan arrimaha ay tilmaantay inay yihiin danaha guud ee qaranka, gaar ahaan aqoonsi-raadinta, difaaca qaranimada iyo horumarka dalka. “Aqoonsi-raadinta, ka midho-dhalinteeda, difaaca qaranimada iyo horumarka aynu ka mideysnaano,” ayay tidhi.

Waxay sidoo kale tilmaantay in isu-soo-baxyo ay taageerayaasha Somaliland ku qabanayaann Maraykanka ay muujinayaan taageerada loo hayo safarka Madaxweyne Cirro iyo ajandayaasha uu halkaasi ka wado. Waxaaney tidhi.“Isu-soo-baxa shacabka ee Maraykanku wuxuu muujinayaa in aynu mid nahay, isla markaana taageersannahay safarka Madaxweynaha iyo guulaha la gaadhay, waa waajib ina saaran inaynu garab istaagno danaha qarankeenna”