Daawooyin iyo Qalab Caafimaad oo Lagu Wareejiyay Cusbitaaladda Gabiley iyo Wajaale

0
262

Gabiley (Dawan): Cusbitaaladda magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale ayaa shalay lagu wareejiyay caawimo isugu jirtay daawooyin iyo qalab kaloo caafimaad oo ay soo direen jaaliyadda degaamadaas u dhashay ee degan dalka Sweden.

Waxaana kaalmadaasi ku wareejiyay agaasimeyaasha cusbitaaladda Gabiley iyo Wajaale maayarka magaaladda Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan bahda caafimaadka ee Gabiley.

Maxamed Cumar Cabdi, maayarka Gabiley oo faahfaahin ka bixiyay caawimadan caafimaad ee la soo gaadhsiiyay cusbitaaladda Wajaale iyo Gabiley ayaa sheegay in alaabtaasi ay wax badan ka tari doonto adeegyadda ay cusbitaaladaasi bulshadda u hayaan.

Waxaanu maayarku uga mahad celiyay jaaliyadda reer Gabiley ee kaalmadaasi. Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu halkan ku wareejinaynaa qalab iyo daawooyin, oo aanu ku wareejinayno cusbitaaladda Gabiley iyo Wajaale.

Waxaanan rejaynaynaa in alaabtani ay wax badan ka tari doonto adeegyadda caafimaad ee ay labadaas cusbitaal u hayaan bulshadda.

Qalabkan caafimaad iyo daawooyinkan waxaa soo diray ururka qurbe joogta Gabiley ee degan dalka Sweden, oo aan runtii aad iyo aad ugaga mahad celinayo. Ma aha markii kowaad ee ay kaalmo soo diraan, balse waa markii labaad”.

Geesta kale maayarka Gabiley waxa uu sheegay in qalabkan iyo daawooyinkani ay maanta wareejiyeen ay horu-dhac u yihiin daawooyin iyo qalab kaloo caafimaad oo badan oo la filayo in dhawaan ay soo gaadhsiiyaan ururka qurbe joogta Gabiley.

“Daawadan iyo qalabkani waxay horu-dhac u yihiin, qalab kaloo aanu rejaynayno in uu dhawaan iman doona, kaasoo intan ka badan oo Koontiinar ku iman doona.

Mar kale aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa ururka qurbe joogta Gabiley ee ku nool Sweden, dedaalka ay ugu jiraan sidii horumarka iyo adeegyadda dadkoodda loo hayo kor u qaadistoodda uga qayb qaadanayaan”ayuu yidhi Maxamed Cumar Cabdi.

Waxa kaloo maayarka Gabiley kula dar-daarmay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha kale ee caafimaad ee ka hawl galla cusbitaaladda Wajaale iyo Gabiley in la iska daayo in hadba wixii maqan ee qalab iyo daawo ah laga fikiro.

Balse loo baahan yahay in lagu dedaalo marba wixii la hayaa uu noqdo mid sida ugu fiican loogu dabooli karo adeegyadda la bixinayo. “Waxaan isku dar-daaraynaa, inta badan waxaa inoo dhaqan ah in aynu kolba waxa maqan uun ka fikirno raadintiisa, laakiin waxaynu u baahanahay in aynu awoodda saarno waxaynu haynaa in uu noqdo 100% (boqolkiiba boqol) adeeg fiican”.

Dhinaca kale agaasimeyaasha cusbitaaladda magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale ee caawimadaasi la wadaagay ayaa uga mahad naqay jaaliyadda Sweden qalabka caafimaad iyo daawooyinka ay soo gaadhsiiyeen.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply