Kooxda Nagaad oo Hanatey Koobkii Ramadaanta ee Kubbadda Koleyga

0
237

Hargeysa (Dawan)- Koobka bisha Ramadaanta ee Kubadda Koleyga ayaa xaley ciyaartii ugu dambaysay oo lagu soo gabagabeeyay garoonka Timacadde ee magaalada Hargeysa ayay isugu yimaadeen labada Naadi ee heerka kowaad ee Kooxaha Nagaad iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Ciyaarta qaybteeda hore ayaa labada kooxoodba ku dadaaleen weerar iyo weerar celis, ciyaartani Finalka ahayd ayaa waxaa ka soo qaybgaley dadweyne iyo tageerayaal aad u tiro badan, masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, Xidhiidhka Kubbadda Koleyga iyo Masuuliyiinta Horn Cable Tv, oo maagelisay qabsoomida tartankani, waxaana haafkii hore ciyaarta ay ku kala kala nasteen labada kooxood Naadiga Nagaad oo keensaday 16 dhibcood iyo Naadiga Macdanta oo keensadey 15 dhibcood.

Isku noqodkii ciyaarta la tashi badan oo labada kooxoodba sameeyeen waxay garooka la soo galeen dardar hor leh, waxaana natiijadii ciyaartu ku dhamaatey 30 dhibcood oo uu guusha ku hantidayay Naadiga Nagaad, waxaanu naadiga wasaaradda Tamartu keensaday 22 dhibcood, halkaasi oo ay guushu ku raacday Nagaad. Waxaana ciyaartan garsoorayaal ka ahaa Xamse Ibraahin, Xamse Cabdi Aadan iyo garsoore Burcil.

Munaasibaddii koobka lagu guddoonsiinayay kooxda Nagaad ee ku guulaysatay koobka oo lagu qabtay isla garoonka Timacadde, waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland, Cabdikariin Iid Siciid, agaasimihii hore ee ciyaaraha, haatana ah agaasimaha guud ee xidhiidhka golayaasha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland, Cabdikariin Iid Siciid, ayaa koobab guddoonsiiyay naadiga heerka koobaad ee Nagaad iyo naadiga heerka labaad ee Timacadde, iyo sidoo kale ciyaartoydii ugu wanaagsanaa iyo kuwii ugu gool dhalinta badnaa tartankaasi.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Koleyga Maxamuud Xasan Cabdillaahi ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu ugu horeyn u mahad celiyay siddeedi kooxood ee ka soo qaybgaley tartankani ee muujiyay ciyaar wanaaga iyo dedaalka aadka u badan. Sidoo kale, waxa uu mahadnaq ujeediyay telefiishanka Horn Cable iyo masuuliyiintiisa oo maalgeliyay qabsoomida tartankani, isagoo labada kooxood ee isugu soo hadhey tartankani u jeediyay ammaan iyo bogaadin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply