Hay’adda Dhawrista Tayada oo La Wareegtay Sharaab Tayadiisu Is-bedeshay Farriinna u Dirtay Ganacsadata

0
284

Hargaysa (Dawan):- Hay’adda Dahwrista Tayada Somaliland, ayaa ka hadashay noocyo sharaab is bedelay oo ay shirkaddii keentay ku wareejisay, isla markaana ganacsatda farriin u dirtay, kuna adkaysay in ay ka fiirsadaan waxa ay ka ganacsanayaan badqabkiisa iyo tayada alaabooyinka ay keenayaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo shalay warbaahinta la hadlayay ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan alaabooyin badan oo kale oo hore loogu keenay iyo kuwo ay soo qabteen ba, waxaanu ballan qaaday in ay illaalinayaan guud ahaan tayada alaabooyinka la soo geliyo dalka, gaar ahaan kuwa dadku quuto.

Waxaanu ku bogaadiyay shirkadda keentay sharaabka is bedelay ee ay ka shakiyeen ee ku soo wareejisay oo uu sheegay in damiirkoodu siin waayay in wax aan tayadiisu wanaagsanayn ay dadkooda ka iibiyaan.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Shirkada Horn of Golf waxay keentay sharaab, ka dibna waxay nagu soo booqdeen xafiiskayaga, waxaanay noo soo bandhigeen sharaab khaladaad faro badan ay ku arkeen, damiirkoodu waxa uu siin waayay in ay suuqa ku sii daayaan, taariikhdii uu dhici lahaana kuma qorna sharabkaas oo la yidhaado Deeja, waanan kala wareegnay shirkadda soo dajisay sharabkaas waanan gubaynaa, dawladda hoosena waanu ku wargelinay in aanu gubayno sharaabkan, waanu is bedelay sharaabkani.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, ayaa farriin u diray ganacsatada reer Somaliland ee dibedda wax ka soo jediya, waxaanu yidhi “Maaha sharaabkii u horreeyay ee naloo keenay ee laga cawday ganacsatada reer Somaliland marka ay wax soo iibsanayaan waa in ay iska hubiyaan waxa ay soo iibsanayaan iyo tayadooda ganacsatada waanu garab taagannahay,waana in wax tayo leh ay iibiyaan waana waxaanu ka shaqaynayno, alaab kasta oo dalka soo gelaysana tayadeeda waanu hubinaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply