Hawl-gal ay Fuliyeen Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo Jiitay Dareenka Bulshada

0
275

Hargeysa (Dawan)- Ciidamada Dab-demiska caasimadda Hargeysa ayaa hawl-gal gurmad ah oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada waxa ay ku badbaadiyeen neef Geel ah oo ku dhacay god bullaacad ah oo ku yaalla xaafada Shacabka, dhacdadaasi oo aad u soo jiidatay dareenka bulshada.

Ciidanka Dabdemiska ayaa dadweynaha goobtaasi joogay waxa ay ku soo wargeliyeen dhacdada Awrkan, waxaana isla markiiba goobtii gaadhay ciidamada gurmadka oo wata gaadhi wish ah iyo xadhko dhaadheer, waxaana muddo kooban ciidanku godkaas kaga soo saareen neefkaasi.

Neefkan Geella ah ayaa la sheegay in daaqayay Geed Ciin ah oo ka dul-baxay Bullaacadda uu ku dhacay, waxaana kadib ay sababtay in neefkaasi uu ku dhaco godkaas maadaama uu godkaasi aad u jilicsanaa.

muddooyinkii u dambeeyay soo badanayay dadka iyo xoolaha ku dhacayay Musqulaha iyo Godadka kuwaasi oo ay badbaadiyeen ciidamada dabdemisku. arrintaasi oo bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay aad ugu bogaadiyeen ciidamada gurmadka ee dabdamiska iyo hogaankooda ba.

Dadweynaha gobtaas joogay iyo dadkii neefkaasi lahaa ayaa u mahadnaqay Ciidanka dabdemiska ugana mahadceliyay sida dareenka biniaadanimo leh ee ciidanku uga soo saaray neefkaas.

Ciidanka dabdemiska qaranka ayaa u taagan badbaado naf iyo maal waxaana ciidanku u gurmadaa masiibo kasta ama dhiilo kasta oo lagu soo wargeliyo loona baahdo in wax laga qabto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply