Dawlada Emaaraatka Carabta oo Dadkeeda uga Digay in ay u Safraan Dalka Soomaaliya

0
285

Dubai (Dawan)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digay in ay u safraan 13 dal oo uu ka mid yahay dalka Soomaaliya, waxaana sidaasi lagu shaaciyay warqad digniin ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Digniintan oo ahayd mid ku saabsan dhinaca socdaalka ayay wasaaradu ku saleysay xaaladdaha amni darro ee ka taagan dalalkaas oo ah kuwo aan la isku halleyn karin, waxaana lagu sheegay in amaanka dalalka laga digayaa aanay ahayn kuwo la isku halleyn karo.

Dalalka wareegtada ku xusan ayaa kala ah; Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria, Koofurta Suudaan, Syria, Ciraaq, Brazil, Congo, Liibiya iyo Yemen.

Digniintan xilligan ay soo saartay wasaarada arrimaha dibeda ee dawladdas Imaaraatka Carabta ayaa ah mid si gaar ah u khusaysa dadka u dhashay Imaaraadka ee xilliga fasaxa xagaaga tagaya dalalka kor ku xusan.

Waa markii ugu horeysay ee dowladda Imaaraadku Carabtu ay soo saarto go’aankan ay dadkeeda uga digayso in ay u safraan Soomaaliya, waxayna ku soo beegmaysaa xilli lagu dhex jiro khilaaf bilihii u danbeeyey ka dhex aloosnaa wadanka Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Ugu danbeyna arrintan ayaa ah mid caddeyn u ah in aan weli amniga wadanka Soomaaliya ahayn mid la isku halleyn karo, iyadoo dhinaca kalena ay Soomaaliya ahayd wadan sannado badan amni xumo qabatintay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply