Somaliland oo Shaacisay in ay Raysal Wasaaraha Itoobiya ka Heleen Balan-aqad ah in Heshiisyadii Hore u Dhexmaray ay Sidoodii Ahaanayaan

0
320

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay waxba ka khusaynin dekadaha ku yaala badaha Somaliland heshiiskii ay 16-kii bishan Muqdisho ku wada galeen dawladaha Itoobiya Soomaaliya. Gaar ahaana qodobka ku saabsanaa in labadaas dal ay iska kaashadaan dhismaha afar dekadood oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaas oo aan la magacaabin kuwa ay yihiin iyo meelaha ay ku yaalaanba.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo shalay u waramay VOA waxa uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya uu Somaliland ula muuqdo sida heshiisyadii uu raysal wasaaradaha Itoobiya dhawaan la soo galay wadamadda deriska la ah.

Waxaanu deedifeeyay hadal haynta ah in dekadda Berbera ay ka mid tahay kuwa heshiiska ku jira, waxaanu sheegay in dekadda Berbera aanay ka talinin dawladda Xamar. Sidaas darteed-na aanay ka mid noqon Karin dekadaha lagu heshiiyay.

Wasiirka oo ka hadlayay sida uu Somaliland ugu muuqdo heshiiskaasi, waxa uu yidhi “Aragtidaydu waxay tahay heshiiskaasi wuxuu iila mid yahay, heshiisyadii uu raysal wasaaraha Itoobiya la soo galay wadamadda jaarka sida Jabuuti, Kenya iyo qaar kale. Markaa waa laba wadan oo deris ah oo Geeska Afrika ku wada yaalla, heshiiskaasina mid anaga na khuseeya ma aha.

Arrinka dekadda Berbera dawladda Somaliland cid aan ahayn lagalama xidhiidhi karro, laga lamana heshiin karro. Berbera ma hoos timaado Soomaaliya oo kama mid aha, markaa dabcan kuma jiri karto dekadda Berbera.

Dawladda Soomaaliya wuxuun bay ka talin kartaa inta ay maamusho, Berbera kama taliso. Markaa garan maayo siday dekadda Berbera ugu jiri karto heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Soomaaliya” ayuu yidhi Sacad Cali Shirre.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland mar la waydiiyay su’aal ahayd hadiiba ay jirto in Itoobiya ay Soomaaliya kala hadashay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay hore u wada galeen Somaliland, Itoobiya shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World, in taasi ay burin karto heshiiskaasi.

Waxaanu ku dooday wasiir Sacad in taasi aanay waxba ka bedeli Karin heshiiskii hore ee la xidhiidhay maalgashiga dekadda Berbera, isla markaana wax iska khuseeyaa aanu jirin mid kale oo ay Itoobiya cid kale la gasho.

Isaga oo arrintaa ka jawaabayayna waxa uu yidhi “Maya, burin mayso. Waayo? Waxaanu anaga iyo Itoobiya ku wada soconaa ama ku wada shaqaynaynaa, waa heshiiskii aanu wada galnay. Ma aha heshiis ay cid kale la galeen”.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo la doortay bishii April ee sanadkan aanu ilaa hadda ka soo gaadhin war odhanaya in ay wax ka bedelayaan heshiisyadii hore u dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanu carabka ku dhuftay in xidhiidh dhexmaray raysal wasaare Abiy iyo Somaliland ay ka heleen balan qaad ah in wax waliba ay sidoodii hore ahaanayaan.

“Haa, waanu xidhiidhnay. Wax waliba-na waa sidoodii aanu hore ugu heshiinay. Wax is-bedel ah war anaga xagoodda nagama soo gaadhin, oo odhanaya wixii hore waxbaanu ka bedelaynaa.

Anagu-na waxba kamaanu bedelin. Markaa wax waliba waxay u taagan yihiin siday markii hore ahaayeen” ayuu yidhi Sacad Cali Shirre.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply