“Soomaaliya Waxay la Mid Tahay Nin Maqashiisa Ilaashan Kari Waayey oo Geela Deriska Doonaya” Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska

0
387

London ( Dawan)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Marwo Ayaan Maxamed Cashuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dawladda Soomaaliya ay ku tilmaanto xukuumadda Somaliland maamul goboleed hoos yimaada, iyada oo aan wada-maamulin caasimaddeeda Muqdisho.

Marwo Ayaan Cashuur, sidoo kale waxa ay ku tilmaantay hogaanka iyo madaxda dalka taagta daran ee Soomaaliya, nin maamulan kari waayay maqashiisi, haddana doonaya oo damaaci kaga jiro Geella deriskiisu haysto, taas oo ay sheegtay in aanay ahayn wax suurto-gal ah oo uu ku fekeri-karo qof caqli leh.

Danjiraha Somaliland ee UK Marwo Ayaan oo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Dawladda Soomaaliya arrinta ay ku dacwootay waxa ay la mid tahay adiga oo yidhaahda maqashaydii baan ilaalin kari waayey ee Geella deriska nagu soo wareejiya, markaa taasi maamul xumo iyo dawladnimadii oo hanaqaadi kari wayday uun bay ka turjumaysaa ee kama turjumayso Somaliland, shaqana kuma laha dalabka maamulada Soomaaliya ay ku doonayaan in kharaashadkooda loo madax bannaaneeyo.”

Ayaan Maxamed Cashuur waxa ay sidan ku sheegtay waraysi ay siisay Idaacada VOA-da, waxaanay sheegtay in Somaliland ay ku jirto xaalad horumarineed, halka ay dawladda caga jiidka ah ee Soomaaliya ay ku jirto xaalad gargaar iyada oo arrinta ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Arrintaasi umadda oo dhan fajac ayey ku noqotay , Sida ay deeq-bixiyayaashuba ku jawaabeen marka hore baahidi jirtay ee ahayd in la kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya ayaa meesha taalla, waxaana saldhig u ahaa in Soomaaliya ay ku jirto xaalad gargaaar meesha ay Somaliland kaga jirto xaaladda horumarineed. markaa waa nasiib darro iyada oo la rajaynayey in wada hadaladii bilaabmaan oo caadifad iyo waxyaabahaa laga baxo oo la garramo oo la sii horumariyo wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya in marba arrin yar oo caadifad ah ay dawladda Soomaaliya bilowdo.”

Safiirka Somaliland uu fadhiya dalka Ingiriiska, Marwo Ayaan Maxamed Cashuur ayaa sheegtay in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay dood iyo kala gurasho, waxaanay tidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waxa ka dhaxeeya in miis lagu doodo oo dooda laga gudbo, lana horumariyo ee jid kale oo bannaan oo furan ma jiro markaa waxaa ceeb ah in aad tidhaahdo maamulkaygii ayaan maamuli waayey oo deriska ayaan fara gelinayaa.”

Dawladda taagta daran ee aan iskeed isu maamuli karin ee Soomaaliya ayaa bilowday dagaal siyaasadeed oo ka dhan Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay ku doonayso In beesha calaamku ay xidhaan xidhiidhka iskaashi iyo albaabada dhaqaale ee ay Somaliland sida madaxa bannaan u siiyaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply