D/Hoose ee Hargaysa oo soo Bandhigtay Nidaam Casriya oo Lagu Kaydinayo Xogaha

0
295

Hargaysa (Dawan): Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ay doonayaan in xogta la xidhiidha arrimaha dhulka laga dhigo mid casriya oo ah nidaam lagu kaydinayo koombuyuutarka.

Sida uu shaaciyay maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, barnaamijkaasi ayuu ku tilmaamay mid looga dan leeyahay sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore ee waraaqaha.

Waxaanu sheegay maayar Soltelco, in nidaamkan cusub uu hadda socdo wejigiisii kowaad, kaasoo ay qayb ka yihiin in la diiwaangeliyo dhulka danta guud ah iyo midka ay dadku gaarka u leeyihiin iyo sidii loo kala xadayn lahaa degmooyinka caasimadda.

C/raxmaan Soltelco, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta waxaanu bilawnay wejigii saddexaad ee barnaamijka GIS-ka, oo ah in faylashii loo bedello mid kombuyuurka la gelinayo (softy copy) iyo iyadoo la samaynayo xadadkii degmooyinka caasimadda iyo sidii kharriiradii (Map-kii) iyo xadkii iyo wadooyinkii la isugu xidhi lahaa.

Loona diiwaangelin lahaa wixii ay dadku leeyihiin, wixii dan guud ah. sida iskuuladda, masaajidadda iyo wershadaha oo kale. Iyo sidoo kale sidii magacyadii loogu qori lahaa wadooyinka caasimadda, iyadoo magacyadii ay samaysan yihiin.

Waxaana imika xogtaasi (data) socoto wejigeedii 1aad, ee shanta qaybood ah. wejigeedda kowaad waxa weeye in faylashii hore oo dhan laga dhigo softy copy. Taasoo socon doonta muddo bil ah”.

Geesta kale maayarka Hargaysa waxa uu ugu baaqay dadweynaha caasimadda dadkii aan hore kala wareejinta ugu samaynin mulkiyadda dhulkoodda in ay ku soo dhamaystiraan inta ka hadhay wakhtiga.

“Waxaan leeyahay dadweynaha qof kastoo faylkiisa ama kala wareejin ku sameeyay, oo aan dhamaystiran, waa in ay dhamaystirtaan, inta wakhtigaas ka hadhay ee hawshaasi ku socoto oo ah bil gudaheed.

Iyadoo ay noqon doonto inuu qofku si fiican ugu diiwaangelin doono, markay gaadho bisha tobnaad-na la samayn doono mulkiyado (Certificates), noqon doona in qof kastaaba aqalkiisa mulkiyadiisa si rasmiya u hello” ayuu yidhi maayarka caasimadda Hargaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply