Baarlamaanka Faransiiska oo Ka Hadlay Kulan Dhex-maray Wakiilka Somaliland

0
298

Paris (Dawan):- Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Faransiiska, ayaa shaaca ka qaaday inay martiqaad rasmi ah ka heleen Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, sida lagu sheegay qoraal 12 July, 2018.ka soo baxay Baarlamaanka dalkaasi.

Qoraalkan oo lagu socodsiiyeyn guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada wadamadda Geeska Afrika iyo Faransiiska, HE Cédric Perrin, cinwaanna looga dhigay kulan lala yeeshay Wakiilka Faransiiska ee Somaliland, Ambassador Cali Ismaaciil Xassan, kaas oo la sheegay in lagu daabaci doono mareegta aqalka sare ee dalka Faransiiska.

Kulanka dhex-maray Ambassador Cali Ismaaciil iyo Madaxweynaha Guddiga Saaxiibtinimada Dalalka Geeska Afrika iyo Fransiiska oo ka dhacay xarunta Palace Luxembourg, ayaa lagu sheegay in lagu soo qaaday xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka wakhtigan iyo mustaqbalka ee u dhexeeya Faransiiska iyo Somaliland.

Aqalka sare ee dalka Faransiiska, ayaa qoraalka ka soo baxay waxa la raaciyay in xaaladda nabadgelyo ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, ay tahay mid deggan, isla markaana uu jiro xidhiidh ganacsi iyo mid dhaqan oo Faransiisku la wadaago Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil Xassan, ayaa la sheegay qoraalkan inuu rajo badan ka muujiyey horumar uu sameeyo xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska mustaqbalka dhow, waxaanu sheegay Mudane Cali inay jiraan shirkado Faransiis ah oo danaynaya maalgashi ay ku sameeyaan, kheyraadka dabiiciga ag ee dala Somaliland.

Qoraalkan ka soo baxay aqalka sare ee dalka Faransiiska, ayaa lagu sheegay in Ambassador Cali Ismaaciil in uu sharaxaad dheer ka bixiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada wadan wadaagi jireen iyo sidii muwaadiniin reer Somaliland ah qeybta uga ahaayeen ciidamadii Faransiiska ee dagaalkii labaad ee Adduunka.

Gebagebadii qoraalkan ayaa lagu sheegay in wakiilka Somaliland Ambassador Cali Ismaaciil uu u gudbiyey Madaxweynaha Guddiga Saaxiibtinimada Geeska Afrika iyo Faransiiska Mudane Perrin, martiqaad rasmi ah oo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle u diray baarlamaanka dalkaasi, si loo sii wanaajiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Kulanka Wakiilka Somaliland ee Faransiiska iyo Guddiga Aqalka Odeyaasha oo warbixinteeda lagu daabacay mareegta ay leeyihiin, isla markaana shacabka Faransiisku halkaasi ka daalac doonaan, ayaa ah fursad dahabi ah, iyo tallaabo horumar oo loo qaaday dhinaca qadiyadda madaxbannaanida Somaliland. Taas oo ah mid aanay ku guulaysan badi wakiillada Somaliland ee dibedaha, in ay abuuraan xidhiidho noocyadan oo kale ah oo dhexmara madaxda wadamada ay joogan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply