Wasiir Seed oo ka Jawaabay Cabasho ka soo Yeedhay Beeralayda Sallaxley

0
317

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ay jahwareer ku ridaan shacabka gobolada ay ka soo jeedaan. xilli garnaqsigooda looga baahnaa, gudaha golaha wakiillada ee ay ka tirsan yihiin.

Wasiir Seed ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu golaha wakiillada u gudbiyey laba xeer oo aan mid saddexaad ku jirin, waxaanu ugu baaqay in wixii cabasho ah ee ay qabaan ay ku saxan golaha wakiillada gudihiisa iyo nidaamka sharci dejineed ee ay dalka u hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waddanku shuruuc ayuu leeyahay, doorashooyin badan ayeynu soo galnay. muddadii doorashooyinka la soo gelayey, way jirtay cabasho iyo dodo, laakiin golaha wakiilladu waa sharci dejin, iyaga ayaana xaq u leh, haddii golaha barlamaanka wax lagu darayo iyo haddii wax laga bedelayo, ama haddii wax laga dhimayo. Xildhibaanka ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, gobolka uu doono haka soo jeedee, waxa uu xaq u leeyahay in uu golihiisa soo dhex dhigo doodiisa oo uu fikradiisa ka dhiibto golaha gudihiisa. laakiin waxa nasiib darro ah in xildhibaanadu inta ay isoo urursadaan oo warbaahinta soo horjoogsadaan, ay dadka shacabka ah jahwareer ku ridaan. runtii taa waa laga gudbay, dibna loo socon maayo ee hore ayaa loo soconayaa.”

Mudane Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, uu golaha wakiillada u gudbiyey, laba xeer oo in muddo ah soo jiitamayey, “Madaxweynaha Somaliland, laba xeer ayuu golaha wakiillada hor-geeyey, xeer waa mid in badan soo rafanayey oo ah xeerka kootada haweenka, midna waa dadka laga tirada badan yahay, labadaas xeer ayuu hor keenay golaha wasiirrada. Anagu ka gole wasiirro ahaan cod aqlabiyad ah ayaannu ku meel-marinay. markaa arrintaasi golaha wakiillada ayey u taallaa, wax kale oo Madaxweynuhu golaha u gudbiyeyna ma jirto,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, waxa uu ka hadlay, dhawaaq ka soo yeedhay beeraleyda degmada Sallaxley, kuwaasi oo cabasho ka muujiyey Cayayaan dhibaato ku haya beerahooda, kaasi oo ay sheegeen in uu baabiyay dalaggii laga filayay 550 (shan boqol iyo konton) beerood.

Wargeyska Dawan ayaa arrintaasi wax ka waydiiyay wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed, waxaanu ku jawaabay “waa waajib na saraan, in aannu si degdeg ah uga jawaabno cabasho iyo baahi kasta oo ka timaada beeralayda dalka, arrintaasna waxaa nooga meel yaalla, in aannu si degdeg ah ugu dirno kooxaha wasaaradda ee u xil-saaran cayayaanka ku dhasha beeraha oo imika ku maqan gobolka Togdheer, caawana (xalay) soo gelaya, kuwaasi ayaannu u diraynaa, si ay u soo eegaan cayayaanka ay ka cabanayaa, in uu hadda ku dhashay iyo in uu hore u jiray, arrintaasna waxaannu u diraynaa kooxdaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply