Wasiirka Gaashaandhiga oo Afhayeen u Magacaabay Cumar Cabdirisaq Cali

0
317

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cumar Cabdirisaaq Cali. Sidoo kale masuulkan la magacaabay, waxa uu wasaaradda u qaabilsanaan doonaa xidhiidhka dadweynaha iyo wasaaradda.

Sidaana waxa lagu sheegay digreeto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), waxaanu wasiirku digreetadiisa ku sheegay in Afhayeenka cusub ee u magacaabay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland uu yahay masuul hanan kara xilkaasi.

Digreetada wasiirka gaashaandhiga Somaliland ee lagu magacaabay Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Markaan arkay heerka waxbarasho, khibrad iyo waayo-aragnimadiisa, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14-07-2018, waxaan u magacaabay Af-hayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cumar Cabdirisaaq Cali, Islamarkaana qaabilsan xidhiidhka dadweynaha.

Sidaas darted, waxaan kula socodsiinayaa inaad hawshaa u gudan doonto, si masuuliyaddi ku jiro.

Alla Mahad Leh.”

Afhayeenka cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Cabdirisaaq Cali, ayaa ah saxafi khibrad fiican u leh warbaahinta iyo arrimaha xidhiidhka caalamiga ah, waxaanu ka mid yahay dhalinyarada warbaahinta ugu fir-fircoon, kaalin weynna ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply