“Lama Arag Nin Seedigii iyo Abtigii Col u ah oo Gurigiisa Gubaya“ Wasiir Hinda

0
330

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni oo ka mid ah masuuliyinta dawladda ee ku sugan degmada Ceel-afweyn, ayaa ka hadashay muhiimada ay leedahay wada dhalashada iyo qiimeynta Kitaabka Alle ee ay gacanta hore u saareen labada ardaa ee dirirta soo noqnoqtay ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn.

Wasiir Hinda Gaanni oo ka hadashay furitaanka shirka nabadaynta labada beelood ayaa ku dheeratay waaqica dhabta ah ee labada Ardaa “War lama arag nin abtigii iyo seedigii col u ah , lama arag nin gurgiisa iyo gogashii gubaaya , habar lamaani waa qof iyo maryihiisa oo ma kala bixi karaan wixii laydin sheegay ee kala waxba kama jiraan Walaahay baydan u kala baxayn maalinta ILLAHAY hortiisa la taagan yahay mooyee waayo ma jiro guri aannay ku wada noolayn labada ardaaa” ayey tidhi tidhi Hinda Jaamac Xirsi Gaanni.

Kelmada ay Wasiirku ka jeedisay madasha oo dareen gaar ah ku abuurtay dadkii fadhiyey ayaa tidhi “Aadamuhu naftiisu u tudhaa ama ehelkiisu u tudhaa ama dhegtooday u tudhaan ama dhalashadooday u tudhaan intaba maydan xeerin oo umaydan tudhin , waxa aan idinku darayaa haddan idinla kaftamo waxa la yidhaahda Nin bari nirigta gaaroodi ku dhalataa dhaanta , waa arrintaasi waa run waayo habar lamaan baa garan lahayd waxa ay isku yihiin , waxa ay garan lahayeen Kitaabka Alle ee ay tobanka jeer ku dhaarteen iyo waxa ay ku danbaysiyeen in ILLAHAY kala xisaabtamaayo “

Wasiirka Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni ayaa odayaasha labada beelood usoo jeeday in qiimeeyan Culimadda aan garasho ugu imaan ee ALLE dartii ugu timid , waxaana ay tidhi “ bari oo dhan waad baabisee oo ceebayseen naftiinina waad baabiseen , dhaqaalihiinina waad baabiseen oo dhalashadiina waad baabiseen waxaan idin leeyahay maanta ragga halkaa fadhiya ee Culimadda , Salaadinta , Garaadada iyo boqorada waxa ay u yimadeen nin idin garanayaa ma jiro waxa jooga dad inay maqlaan mooyaanee aan weli Burco soo gaadhin markaa qiimeeya waxa ay dadkaasi idinka doonayaan”

Shirka nabadaynta ee ka socda degmada Ceel-afweyn ayaa laga rajaynayaa in ay kasoo baxaan qodobo xal u noqda dhiig danbe oo dhulka ku daatay .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply