Madaxweyne Ku Xigeenka oo si Rasmi ah u Furay Shirka Nabadda Ceel Afweyn

0
319

Ceel-afweyn (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa shalay si rasmi ah u furay shirka nabaddaynta labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalada soo noqnoqday ay ku dhex mareen deegaanka degmada Ceel Afweyn.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in xukuumaddu arrintan ay soo af-jariddeeda xil weyn iska saartay, marar kala duwanna la galay, laakiin ay dhammaan wayday, soona noq noqotay, intaa ka dibna xukuumaddu ay wada-tashi qaran kala yeelatay waxgaradka Somaliland, culimo iyo madax-dhaqameed ba iyo asxaabta qaranka, isla markaana laga fursan waayay in markan loo saaro guddi, culimo iyo madax-dhaqameedka Somaliland ka kooban oo ergo nabadeed ah oo arrintan ka garnaqda oo hawsha loo daayo.

Waxaanu caddeeyay mudane Saylici in shirka hawlihiisa iyo u gar naqa labada beelood in ay toos ula wareegeen oo ay gacanta ku haynayaan, ergada culimada iyo madax-dhaqameedka ka kooban, isla markaana xukuumaddu ay iyaga u daba fadhiisanayso, xilka saaranina uu yahay sugidda ammaanka guud ee deegaanka iyo had ba wixii ay guddidu uga baahato qabashadeeda.

“arrinta Ceel-afweyn ee labada beelood ee walaalaha ah ka dhex dhacday, way innagu soo noq noqotay, sidaa wasiirka arrimaha guduhu sheegay, marar badan ayaana la galay oo loo kacay, lana doonay in nabad lagu dhammeeyo colaadda Ceel-afweyn, laakiin way dhammaan waday, iyada oo innagu noqotay dhibaato dhammaanteen ina wada damqaysa oo dadkeenii ay ku dhimanayaan. markaaa si walba markaanu eegnay Xukuumad ahaan ee aanu wada tashi ballaadhan kala yeelanay culimada iyo madaxdhameedka Somaliland, deegaan kasta ha ka soo jeedaane iyo guud ahaan waxgaradka dalka iyo asxaabta qaranka, waxaannu go’aansannay in loo saaro ergo qaran oo ka kooban culima dalka iyo madaxdhameedka reer Somaliland oo iyagu ka garnaqi doona arrinta labada beelood, waxaanay ka fursan wayday in ergadaa maanta (shalay) halkan fadhida ee gobolada Somaliland oo dhan ka kooban ee isugu jirta culimo iyo madaxdhaqameed in halkan la isgu keeno si arrintaa loo soo af-jaro oo ay wanaag ugu soo dhamaato.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay doorka Xukuumadda ee muddada shirku socdo, isla markaana si buuxda u ballan qaaday in xukuumaddu masuul ka tahay ammaanka iyo suigiddiisa waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay hortiinna ka ballan qaadaysaa in ay dhabarka u ridatay masuuliyadda ammaanka iyo sugidda nabad gelyada, garnaqa iyo arrinta nabadaynta walaaheennaa dhal iyo dhasheed ah ee xataa magaca gaarka ah leh ee la yidhaahdo Habar lammaan, waxaa hawsha shirka wadaya ergada nabadaynta u joogta ee culimada iyo madaxdhaqameedka ah, madaxda kale ee xukuumadda ah ee halkan igaga hadhayaana waxay shirka ka ahaanayaan maanta (shalay) dhegaysteyaal, marka dambena way idinka baxayaan.”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay fulin doonto wixii ay soo saaraan ergada hawsha nabadaynta gacanta ku haysa, waxaanu yidhi “waxay xukuumaddu ballan qaadaysaa fulinta wixii ay soo saaraan ergada nabadaynta u joogta oo ah ergo IILAAHAY oo aan looga baqayn in ay cid u eexdaan, waa culimadii iyo madaxdhaqameedkii Somaliland oo ka kala yimi gobolada dalka oo dhan. markaa wixii ay soo saaraanna waxaanu ballan qaadaynaa in aanu fulinayo, imika laga bilaabo waxaa shirka la wareegaya shir guddoonka ergada iyaga ayaana idiin sheegi doona waxay idinka doonayaan iyo waxay idin waydiinayaan.”

Waxa kale oo ka hadlay furitaankii shirka nabadaynta beelaha Ceel-afweyn wasiirrada arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Xannaanada Xoolaha Xasan Maxamed Gaafaadhi, Diinta iyo aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Hinda Gaandi iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Muuse Abees..

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlayay tirada dadka ku dhintay iyo inta ku dhaawacanta muddadii ay soo noq noqonaysay dhibaatada colaadda labada beelood ee Ceel Afweyn, ayaa yidhi, “colaadda halkan ka taagan, teedii u dambaysay illaa teedii u horraysay marka la isku wada geeyo, waxay ku dhawaanaysa muddo sadex sanadood ah, dhibaatadaasi waxay sababtay dhimashada dad ku dhaw lixdan qof ama qof baa ka dhiman ama labaa ka dhman, marka lagu saro askari ku dhintayna waa ba lixdan, waxaana ku dhaawacmay, waxay dhacdadaasi ay leedahay tiro ku dhaw boqol iyo konton oo ku dhaawacmay oo rag iyo dumarba ay ku jiraan oo rag u badan, waxaanay sababtay in magaalooyin badan oo labadan beelood ay deggan yihiin laga baro kacay.”

Wasiirka Diinta ayaa isna hadal dardaaran ah u jeediyay labada beelood, waxaanu yidhi, “waxaa loo baahan yahay in aynu dhexdeena wanaajino, kolay waa la nool yahay oo waa la isku dhacayaa oo shaydaan oo cadaw ah ayaa inagu dhex jira, laakiin waano la ina soo raaciyay ayaa jirta oo Kitaabka ALLE ah. markaa aynu ALLE ka baqano oo waanada Kitaabka qaadanno.”

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire, ayaa sheegay in dhibaatada labada beelood ay sii fogeeyeen oo ay dhibaato ka shaqeeyeen dad aan la joogin deegaanka iyo dalka midnaba oo qurba joog ah oo baraha bulshada dab ka huriya, waxaanu sheegay in ay lamid yihiin kuwa waxa geystaa qofka qof dila.

Waxaa kale oo ka hadlay muhiimadda nabadda iyo walaalnimadu ay leedahay wasiirrada xannaanada xoolaha iyo shaqo gelinta iyo wasiir ku xogeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta oo dhammaantood ku dheeraaday in loo baahan yahay in labada beelood ay soo celiyaan isku damqasahdii iyo wada dhalashadii ka dhaxaysay ee ay qarniyo badan ku soo noolaayeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply