“Miisaaniyadda Qaranka ayaa lagu Daray Caruurtan Kharashka Noloshooda”

0
292

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Hinda Jaamac Gaanni, ayaa shaacisay in ay sida ugu dhakhso badan ugu dhamaystiriyaan baahiyaha kala duwan ee ay qabto xarunta lagu xanaaneeyo caruurta derbi-jiifka ah ee magaaladda Burco.

Waxaanay sheegtay wasiir Hinda, in xukuumadu kafaalo qaaday daryeelka xaruntaasi, isla markaana si toosa loogu daray miisaaniyadda qaranka khasarashaadka, masaariifta iyo waxbarashadda caruurtaasi.

Wasiir Hinda Jaamac Gaanni, waxay sidan ka sheegtay hadal ay shalay ka jeedisay booqasho ay ku tagtay xarunta agoomaha magaaladda Burco ee SOS, iyadoo ay wehelinayeen badhasaabka Togdheer iyo xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Wasiirka ayaa soo kormeertay qaybaha kala duwan ee xaruntaasi, waxaanay xaaladoodda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan kala sheekaysatay caruurta halkaas ku jirta. Iyadoo ka dareen celinaysay booqashadda ay xaruntaas ku tagtay waxay tidhi “Waxaa farxad ii ah in aan saaka (shalay subax) idinla kulmo. Anigoo safar ahaa oo ka imid gobolka Togdheer. Sababta aan xalay (habeen hore) ugu hoyday Burco waxay ahayd in aan la kulmo caruurta lagu dhaqan celiyo xaruntan SOS.

Kulankaygan maanta (shalay) wuxuu daaranaa in aan idinka (caruurta) afkiina wax ka maqlo, in aan xaaladiina arko, in aan sidoo kale ka barto oo aan ogaado meesha aad gobolka Togdheer kaga sugan tihiin”.

Waxaanay intaas ku dartay “Waxaa si toosa loogu daray miisaaniyadda qaranka caruurtan kharashaadkoodda, masaariiftoodda, waxbarashadoodda iyo dhamaanba inta u adeegta iyaga. Aad iyo aad ayaanan xukuumadda ugaga mahad naqayaa.

Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa xildhibaan Bidhi oo ku soo tabcay xaruntan, dedaal dheer-na u soo galay, kuna simay wakhtigii ay xukuumadu kafaallo qaadi lahayd”ayay tidhi wasiir Hinda.

Waxa kaloo ay sheegtay wasiirku in marka u horaysa ee ay bilaabmaan mashaariicda horumarintu in balaadhinta dhismaha xarunta agoomaha Burco ay koow ka noqon doonto. Waxaanay wasiirku dar-daaran u dirtay caruurta xaruntaas lagu xanaaneeyo.

Waxaanay tidhi “Marka kowaad ee loo soo jeesto horumarinta iyo mashaariicda hirgelintoodda, waxaan balan qaadayaa in ay noqoto wasaaradu meesha kowaad ee gobolkan Togdheer aanu dhagax dhigi doonno, anagoo xaruntan dhismaheedda dhaqan gelinayna.

Sidaas darteed, waxaan idinka codsanayaa (caruurta) in aydaan ku noqonin dayacii iyo dar-xumadii. Waxaan idinka codsanayaa in aad wax barataan. Waxaan idinka codsanayaa in aydaan idinku is dillin sidii markii aad dibadda joogteen, ee aad noqotaan walaallo imika isu yimid”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in waajibaadka kowaad ee daryeelka caruurta xaruntaas lagu xanaaneeyo uu saaran yahay xukuumadda. Isagoo hawsha daryeelka caruurta aan waalidka la hayn ku tilmaamay mid khayriya.

Badhasaabk Xamse, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayaa wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda booqashada ay xaruntan ku timid. Waxa kaloo aan u mahad naqayaa dadka hawsha xaruntan gacanta ku haya oo uu ugu horeeyo xildhibaan Bidhi.

Hawsha daryeelka xaruntani marka kowaad waa masuuliyad saaran xukuumadda, gaar ahaana wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, waxaanay hawshani tahay mid ka duwan hawlaha kale oo khayri ah”.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco, isla markaana isagu xaruntaasi caruurta agoonta lagu xanaaneeyo gacanta ku haya waxaanu ka warbixiyay wakhtigii xaruntaasi la aasaasay iyo baahiyaha wakhtigan ku gedaaman.

“Wasiiradda waanu uga mahad naqaynaa booqashadda ay noogu timid, waxaana xaruntan gacanta ku haysa wasaaradda ay wasiirka ka tahay. Xaruntan waxaanu aasaasnay 12-kii bishii July ee sanadkii 2015-kii.

Waxyaabaha ay caruurta xaruntan ku jiraa u baahan yihiin waxaa ka mida in ay helaan barashadda farsamadda gacanta, oo ay xarunta dhexdeedda ku bartaan. Sida nijaaridda, barashadda korontadda. Sidoo kale baahiyaha xaruntan waxaa ka mida in dhismaha la balaadhiyo”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Dhinaca kale xarunta daryeelka iyo xanaanaynta caruurta aan waalidka lahayn SOS ee magaaladda Burco oo la aasaasay sanadkii 2015-kii ayaa lagu dhaqan celiyaa caruur derbi-jiif ahaan jiray oo suuqyadda laga soo ururiyay, kuwaasoo markii hore aan haysan cid daryeesha noloshoodda.

Qaar ka mid ahaa caruurta ku jirta xaruntaasi ayaa wasiirka shaqo gelinta u soo bandhigay baahiyaha kala gedisan ee ay qabaan sida in barashadda farsamadda gacanta ay helaan iyo in loo balaadhiyo dhismaha xarunta oo ku yar. Waxaanay ka codsadeen wasiirka in waxyaabaha ay tabanayaan laga caawiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply