Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Xog-warran Siiyay Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada

0
330

Hargeysa (Dawan)- Mareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Darood iyo Guddiga Dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Golahaasi waxa ay xog is wareysi ka yeeshen sida ay u socdaan hawlaha ay waddo wakaalada biyaha Magaalada Hargeysa iyo halka ay marayaan Mashaaricdii ay ka midka ahaayeen biyo ballaadhinta Caasimada.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen isla markaasina ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa waxaa markii uu soo dhammaaday uga warbixiyay warbaahinta guddomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiillada somalilad Xilhibaan Cumar Axmed Saleeban ( Cumar Sanweyne) waxaana uu sheegay in cabashadii dad-weynahu ay u soo gudbiyeen ee ay ka mid ahayd biyo kordhintii muddada dhawayd dhacday ay ka wada hadleen masuuliyiinta wakaalada.

Xildhibaan Sanwayne oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “waxyaabo badan oo ay ka mid tahay biyo soo galinta hargeysa waanu iska wareysanay waxaanan filaynaa inta aanu sanadkani dhamaan in waxyaalo badan ay qabsadaan ayaanu ka filaynaa haduu ilahay yidhaahdo sida uu noogu waramay, dadku wuxuu ka cabanaayay kordhis biyahaa la kordhiyay lakiin xaqiiqadu waxaa weeyaan dollarku markuu toddoba kun ahaa ama lix kun ahaa maantana uu maraayo labba iyo toban kun,koobka shaaha isna kor ayaa uu u kacay markaa waxaa weeyi foostada biyaha ah inta biyaha hesha dad badan ayaan biyo helinbee waxaalagu kordhiyay kun shilling,waxaan markaa u sheegayaa dad-weynaha arintii ay nooga soo dacwooden inay tahay sidaa si wacana way noola fahmeen aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa mareeyaha”ayuu yudhi

Maxamed Cali Darood Mareeyaha wakaalada biyaha Caasimada Hargeysa oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay golaha uga warbaxiyeen halka ay marayaan mashaariicaha ay gacanta ku hayaan waxaana uu yidhi “waxaanu uga waranay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland oo ah wakiiladu cidii shacabku ay soo doorteen inay matalaan arimahoodana ay ka hadlaan kana warbixiyaan, inaanu ka hadalno mashaariicda socota ee ay wadaan hay’adaha caalamiga ah iyo qaadhan bixiyayaasha nala shaqeeyaaba halka ay marayaan xiliga ay ku dhowyahiin gaba gabo. Waa mashaariic balaadhan waa weyn wakhti badana u baahan hawl badan iyo samirna u baahan,guddida waanu uga mahad celinaynaa waxaanan uga waranay samaynta ay sixir bararka ku yeelatay kor u kaca ku yimid qiimaha shidaalka suuqyadu hawlahii ay waday wakaalada biyahu, guddida waanu uga mahad celinaynaa waxaanan diyaar u nahay sidii markasta caadada ahayd marka uu golahu noo yeedho inaanu warbixin siino oo golaha hornimaadno oo la xisaabtan iyo hawlaha aanu wadnana aanu wax ka celino diyaar ayaanu u nahay”ayuu yidhi.

Kulanka ayaa ka danbeeyey cabasho ay soo jeediyeen shacabka hela biyaha ay maamusho wakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeysa kuwaas oo ka cabanaayey kordhin lagu sameeyey qiimaha ay ka bixiyaan biyaha ay cabaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply