Madaxweyne ku xigeenka oo Hargeysa ka Furay Hudheel Casriya

0
313

 argeysa (Dawan):- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhigga ka jaray hudheel cusub oo casri ah oo lagu magacaabo Grand Hadi Hotel oo laga hirgeliyay caasimadda Hargeysa.

Hudheelkan Grand Hadi oo ah mid casriya ayaa laga dhisay dhinaca galbeed ee caasimadda Hargaysa, kaasoo uu hir geliyay ganacsade Cabdillaahi Gahayr Faarax lagana heli karo adeegyo kala duwan.

Munaasibad lagu furayay hudheelkan oo uu ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi IsmaaciilSaylici,ayuu ugu duceeyay in ALLE u barakeeyo ganacsadaah hir geliyay hudheelkan o wax badan oo khayri ah dalka ka soo qbtay isla markaana ganacsiyo kala duwan dalka ku leh.

Waxaanu ku ammaanay md Saylici ganacsadaha hudheelkan hir geliyay kaalinta uu kaga jiro iyo gacanta uu ku leeyahay arrimaha khariga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi . “Ganacsade Cabdilaahi Gahayr oo maal-gelintan balaadhan sameeyay, oo sidaa la sheegay wadanka wax badan oo horena soo maal-geliyay taageero balaadhanna ku soo bixiyay oo masaajiddo badan dhisay.Inuu hay’adaha khayriga ah wax ka caawin jiray, inuu ganacsigiisuna dalkoo dhan ku baaladhiyay illaa Burco, aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa.

Waanan u ducaynaynaa runtii in ILLAAHAY (SWT) u balaadhiyo ganacsigiisa iyo hudheelkan cusub iyo wejiga cusub ee ganacsi ee uu bilaabayba”.

Mulkiilaha hudheelkaasi Cabdilaahi Gahayr , oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray dhismaha hudheelkaasi, isagoo si weyn ugu mahad celiyay dhamaanba marti sharaftii xafladaasi ka soo qayb gashay.

“Marxaladaha ganacsiga ama horumarka caalamku waxa uu soo maray socdaal dheer. dhamaanba waan u mahad naqayaa martidda sharafta leh ee xafladdan ka soo qayb galay. Mahad naq weyn iyo ixtiraam, ka soo qayb galka aad ka soo qayb gasheen furitaanka hudheelkan. aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa, aad iyo aad ayaanan idiin soo dhawaynayaa”.

Waxa kaloo iyagna halkaas hadal ka jeediyay wasiirrada ganacsiga iyo boosaha iyo isgaadhsiinta, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo siyaasiyiin kale, waxaanay mulkiilaha hudheelkaasi ku ammaaneen hirgelinta xaruntan ganacsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply