Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Booliska oo Warbixin Amni Siiyay Guurtida

0
287

Hargeysa (Dawan):- Wasaaiarrada arrimaha gudaha Somaliland iyo taliska guud ee ciidanka booliska,ayaa war bixin amni siiyay golaha guurtida Somaliland oo shalay u yeedhay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo mudane Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan,ayaa shalay hor tegay gudida nabad gelyada iyodifaaca qaranka ee golaha guurtida Somaliland oo madaxda wasaaradda iyo talika booliska is xog waraysi ugu yeedhay.

Ugu horreyn gudoomiyaha gudidaas mudane Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) markii kulankoodu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay iska xog waraysteen arrimaha nabad gelyada iyo heerka ay xilligan taagan tahay iyo meelaha u baahan in wax laga qabto ama la xoojiyo “Annaga oo ah gudida nabadgeliyadda ee golaha guurtidda Somaliland waxaanu kulan is xog wareysi ah aanu la yeelaney taliyaha ciidanka booliska Somaliland iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, dhab ahaantii arrimihii la xidhiidhay xaalada dalka si wanaagsan ayaanu u kala war qaadanay”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inay wadaan hirgalinta shuruucda nabadgeliyo ee qaranka waxaanu yidhi “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa rag gogoshii waa nabad, dawlad gogosheed waa nabad ummadii haddii aanay heysan nabadgeliyo, waxba dhaqan meyso oo waxba dhisan meyso, cibaadadeedu xataa sax noqon meyso oo cibaadada ayaa laga horeysiiyay nabadgeliyada, waxaanu ka wada hadleynay waxay aheyd nabadgeliyada qarankan iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaanu xoogga saareynaa shuruucda nabadgeliyadda sidii loo hirgalilahaa, qodobka ugu weyn ee aanu ka wada hadalnayna waa hirgalinta shuruucda nabadgelyada, wixii jirana loo hirgalin lahaa wixii wax ka dhimmanyihiinna loo wadilahaa, xaaladda nabadgelyo ee qarankani halka uu marayo,ayaanu ku kala war qaadanaynay.”

Taliyaha booliska oo isna kulankaa ka hadlay,ayaa yidhi “Waxaa saaka(shalay) noo yeedhay gudida nabadgeliyadda ee golaha guurtidaa Somaliland, waxaanu ka wada hadalnay oo aanu iska xog wareysaneynay xaaladda nabadgeliyo ee dalka, wixii ayna weydiiyeenna si waafiya ayaanu uga jawaabney”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply