Somaliland iyo Uganda oo Ka Wada Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

0
292

 

Hargeysa- (Dawan):- Dawladaha Somaliland iyo Uganda,ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo sidii labada dawladood u yeelan lahaayeen iskaashi dhan walba ah iyo wadashaqayn joogto ah .

Xoojinta xidhiidhka labada dal iyokor u qaadista cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee Somalilad iyo Uganda oo ahaa midsoo jireen ah oo bulsheed ayaa kor u qaadistiisa waxaa dalka Somaliland boqasho ugu yimi wefti ballaadhan oo ka kooban xildhibaano baarlamaan iyo xubno ka soday dawladda dalkaas.

Weftiga reer Ugnada,ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland uga warramy weftiga xidhiidhka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Uganda oo aaa mid bulsheed oo soo taxnaa muddo badan isla markaana ku salaysnaa xidhiidh isku tiirsanaan dhan walba ah oo labada bulsho ee labada dal ay wadaagaan.

Waxaa kale oo uu warbixin ka siiyay marxaladihii kala dambeeyay ee ay Somaliland soo martay iyo hannaanka dimuquraadiyadda ee ay ku dhaqanto.

Dhinaca kale weftiga Uganda ka socday ee xildhibaanada iyoxubnaha dawladda isugu jiray ayaa sheegay in Somaliland iyo Uganda xidhiidhkii taariikheed ee ka shexeeyay qarniyo badan in ay soo celinayaan diyaarna ay u yihiin in ay labada dal si dhaw u wada shaqeeyaan arrimo badanna ay iska kaashadaan.

Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somalilanbd Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland,Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo wefdiga, waxaanu yidhi, “Waxa halkan innoogu yimi oo soo booqday madaxweynaha wefdi ka kooban xubnaha Baarlamaanka ee dawladda Uganda oo soo sharfay madaxweynaha, Uganda waa dal uu inaga dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ahi oo dad iyo dhaqanba innaga dhexeeyo, madaxweynuhuna aad iyo aad buu usoo dhaweeyey, waxanay innala joogi doonaan dhawrka cisho ee soo socda, waxaanu kulankani inoo noqon doonaa bilowga cilaaqaad cusub oo dhinac walba ah.”

Isaga hadalkiisa sii waxa uu wasiirku intaas ku daray, “Waxa ay madaxweynaha iyo wefdigu ka wada hadleen cilaaqaadka inna dhexmari kara, iyaguna waa wefdi xog-doon ah oo inay xog-ogaal inoo noqdaan bay innoogu yimaadeen.” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply