“Somaliland La’aanteed Wax Badan Ayaa Ka Dhinmaya Horumarka Itoobiya Samaynayso”

0
330

Hargaysa (Dawan):- Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal, ayaa waxba kama jiraan iyo dacaayad ay Soomaaliya faafisay ku sheegay wararka sheegaya in Safaaraddii Somaliland ee Addis-ababa la xidhay,waxaanu intaa ku daray in Somaliland iyoItoobiya xidhiidhkoodu marba marka ka dambaysa uu sii wanaagsanaanayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in isbedelka Itoobiya ka socdaa uu yahay mid sii wanaajinaya xidhiidhka labada dal islamarkaana aan Somaliland waxba ka xumaynayn. Waxaanu intaa ku daray in isbedelka Itoobiya Somaliland la’aanteed in ay wax badani ka dhinnaanayaan.

“Waxa jirta dacaayado fara badan oo Soomaaliya innaga samaynayso dooni mayso in Somaliland meel gaadho dacaayadahaa faraha badan ee Soomaaliya innaga samaynayso ee warbaahinta ay galiyaan ayaa ay la mid yihiin waxa la xidhay safaaradii Somaliland ku lahayd dalka Itoobiya,safaarad la xidhayna ma jirto waxbana kama jiraan,toddobaadkii ugu dambeeyay waxa wasiirka arimaha dibedda ee dawlada Itoobiya uu qaabilay wasiirka arimaha dibedda ee Somaliland iyo aniga, dawladda cusub ee Itoobiya kor ayay u qaadaysaa xidhiidhkii aynu la lahayn dhawaanna waa la arki doonaa”.

Safiirka oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi“Si aada ayuu u saamaynayaa Somaliland isbedelka ka dhacay Itoobiya Somaliland la’aanteedna wax badan ayaa ka dhinmaya horumarka Itoobiya samaynayso waana ay ogsoonyihiin.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply