Awdal: 331 Neef oo Adhiya oo La Gaadhsiiyay Qoysas ku Caydhoobay Dufaantii Sagar

0
279

Boorama (Dawan)- Hay’adda kulan Foundation ayaa caawimo ay soo direen gabdho degan dalka Norway gaadhsiisay qoysas ka mida dadkii ay xooluhu kaga baxeen dufaantii ku dhufatay goboladda galbeedka Somaliland, gaar ahaanna Awdal.

Lacagtan qaadhaanka ah waxaa iska soo ururiyay guddi isugu jirta rag iyo haween meello kala gedisan ku nool iyo hay’adda Al-Raxma Foundation la yidhaahdo oo degan magaaladda Oslo ee dalka Norway.

Barnaamijkan oo ah mid dib u xoolayn loogu samaynayo dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen duufaantii Sagar, iyada oo hay’adda Raxma Relief ay qaadhaankaasi bixisay $23350 dollar, halka guddigaasi degan Norway-na ay ku biiriyeen lacag dhan $50600 dollar.

“Badhtanka ayaanu kaga jirnaa barnaamijkaasi xoolo iibinta, muddo 18 maalmood ah ayaannu wadnaa. Waxaanu hadda soo iibinay 331 neef oo Adhi ah.

Tiradda aanu doonayno in ay gaadho waa 600 oo neef” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda Kulan Foundation oo ka hadlay halka hawshu u marayso.

Masuul ka tirsan hay’adda Kulan Foundation kana wakiil ah guddiga Norway jooga ee lacagta iska soo ururiyay oo isna halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay hanaanka ay u mareen lacag ururinta, waxaanu sheegay in xataa masaajido ay lacagtaasi ka soo ururiyeen.

Isagoo si aada ugu mahad naqay xubnihii sida weyn isaga xil qaaday in lacagtaasi u soo ururiyaan walaalahoodda dufaantu xoolaha ka saartay.

Geesta kale xoolahan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo qoysas degan Baki iyo xeebihii ay dufaantii Sagar saamaysay, iyadoo wejiga labaad-na marka la soo dhamaystiro xoolahaasi la qaybin doono.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply