Biyo Ballaadhinta Koonfurta Hargeysa oo la soo Xidhiidhiyay Berkedaha iyo Magaalada

0
297

Hargeysa (Dawan):- Mashruuca biyo ballaadhinta koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa wali socda, isla markaana gacanta lagu hayaa. waxaana illaa imika la soo xidhiidhiyay afar berkadood oo ka mid ah todobada berkadood ee waraabinaya kuunfurta Hargeysa.

Wariyeyaal ka tirsan wargeyska Dawan oo booqday halka ay ka socoto hawsha biyo ballaadhinta koonfurta Hargeysa, ayaa la kulmay shaqaalaha gacanta ku haya biyo ballaadhinta koonfurta Hargeysa oo xilligaa shaqada gacanta ku hayay, kuwaasi oo sheegay in ay soo xidhiidhiyeen afar berkadood oo ka mid ah biyo ballaadhinta koonfurta Hargeysa. islamarkaana ay gacanta ku hayaan saddex berkadood oo kale xidhiidhintooda, kuwaasi oo ay gaadhsiinayaan beebabkii biyaha.

Mid ka mid ah shaqaalaha biyo ballaadhinta oo aannu wax ka waydiinay hawsha ay qabteen,ayaa sheegay in ay afar berkadood oo ka mid ah todoba berkadood oo ay gacanta ku hayeen shaqadooda in ay soo xidhiidhiyeen. isla markaana ay hadda wadaan oo ay xidhiidhinayaan sadex berkadood uu u hadhay.

Shaqada biyo ballaadhinta koonfurta Hargeysa ayaa xilligan maraysa meel wanaagsan oo ay shaqadeedu socotaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply