Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa oo Talooyin ka Bixiyey Doorashooyinka Somaliland ka Dhacaya 2019ka

0
279

Hargeysa (Dawan)- Kormeerayaashii caalamiga ahaa ee ka qaybgalay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay Somaliland bishii November ee sannadkii hore, ayaa shaaciyey inay dalka dib ugu soo noqdeen si ay u gudbiyaan warbixintoodii kama dambaysta ahayd ee ay ku dhawaaqeen bishii March ee la soo dhaafay. isla markaana filayaan in doorashada Baarlamaanka la qaban doono bisha March ee sannadka 2019ka.

 

War-saxaafadeed ay shalay soo saareen Korjoogtadii caalamiga ahayd ee doorashada madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayey ku sheegeen inay maanta oo Khamiis ah ay ku qabanayaan Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, shir ay kaga hadlayaan warbixintoodii kama dambaysta ahayd. Waxa kale oo ay xaqiijiyeen inay kulankan kaga dareen celin doonaan doorashada baarlamaanka ee muddada dheer dib u dhacaysay.

Dr. Michael Walls oo ah madaxa goobjoogeyaashii caalamiga ahaa, ayaa sheegay in doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay, ay  faa’iidooyin badan u lahayd Somaliland. waxaanu xusay inay doorshadaas ka qaybqaateen bulshada ku dhaqan bariga fog ee dalka.

Dr. Michael Walls, waxa uu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland, ay diiwaangelintii codbixiyeyaasha u adeegsatay sawirka isha bu’deeda ee casriga ah. Tallaabadaasi oo aan ka suuro gelin ama aan ka hirgelin badiba waddamada Afrika.

Mr. Michael Walls, waxa kale oo uu caddeeyey in ay rejaynayaan in ay Somaliland sii ambo-qaadi doonto geedi-socodkeeda dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda. isla markaana ay markhaati ka noqon doonaan doorashada lagu wado in ay Somaliland ka dhacdo bisha March ee kal-dambe.

Goobjoogeyaashu waxay ku baaqeen in la xoojiyo laamaha sharciga ee korjoogteeya ololaha doorashooyinka Somaliland, in kor loo qaado aqoonta bulshada ee la xidhiidha dhinaca doorashada iyo in la tababaro hawl-wadeenada doorashooyinka iyo xisbiyada.

Kormaarayaasha doorashadii madaxtooyada Somaliland ka qayb galay, waxa kale oo ay soo jeediyeen la sii xoojiyo xoriyad u hadalka iyo sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha qaranku ugu talogalay doorashooyinka waddanka.

Goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ee doorashadii Somaliland ka qabsoontay 13-kii November 2017-kii, waxay ka koobnaayeen 60 xubnood oo ka kala socday 27 dal. kuwaasi oo waddanka ku yimid martiqaad ay ka heleen guddida doorashooyinka qaranka. waxaanay booqdeen 355 goobood oo ku yaalla lixda gobol doorasho ee dalka. Waxaanay shaaciyeen in goobihii ay mareen si nabadgelyo ah oo hufan loo agaasimay codbixintii doorashadii madaxtooyada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply