Dhaqdhaqaaqa kala Iibsi Xoolaha ee Sayladda Hargeysa oo kor u Kacay

0
301

Hargeysa (Dawan)- Dhaqdhaqaaqa kala iibsiga xoolaha nool ee sayladda magaalada Hargeysa, ayaa si weyn kor ugu kacay labaddii todobaad ee ugu dambeeyay, iyada oo lagu jiro wakhtigii moosinka xajka, iyada oo wakhtigaasi xoolo tiro badan loo dhoofiyo dalka Sacuudi Arabiya.

Ganacsatada xoolaha dhoofisa iyo dadka kale ee iyaguna ka baayac mushtareeya xoolaha lagu kala iibsado Sayladaha, oo warbaahinta qaranka la hadlay, ayaa sheegay in wakhtigan uu aad u wanaagsan yahay dhaqdhaqaaqa kala iibsiga xoolaha nool ee sayladda magaalada Hargeysa. waxaanay tilmaameen in uu si weyn kor ugu kacay labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

Mid ka mid ah hooyooyinka ka ganacsada iibinta Lo’da, ayaa warbaahinta uga warrantay dhaqdhaqaaqa kala iibsiga Lo’da ee xiligan, waxaanay tidhi “Lo’da ayaan ka ganacsadaa, qiimaha neefka Lo’ada ah ee ugu sarreeyaana waa saddex milyan oo shilinka Somaliland ah. dadka dibedda ka yimaada ayaa naga iibsadda Lo’ada oo meelaha lagu qalo inta ay geeyaan ayay u qaybiyan dadka masaakiinta.

Sidoo kale, waxaa naga iibsadda dadka xoolaha dhaqmaadka ah doonaya ee raba in ay dhaqdaan, si kastaba waa nalooga iibsadaa. Wakhtiga Arrafada xooluhu si wanaagsan ayay u socdaan oo illaa shan kun oo neef oo ayaa la qalaa.”

“Geela aanu iibinaa wuxuu isugu jiraa dhawr nooc, waxaanu iminka haynaa oo Saylada jooga Qaalmo dhaqmaad ah oo dhaqan loo iibinayo iyo Qaalmo la dhoofinayo. Geelan hadda meesha tuman ee joogaana, waxa uu u badan yahay Geela inta badan lagu qalayo gudaha magaalada Hargeysa.

Qaalmaha dhoofka ah ee loo iibsanayo doofka mooshinka Xajka, qiimaha iibkoodu waa afar milyan iyo laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, waxaana loo dhoofinayaa wadanka Sucuudi Arabiay,” ayuu yidhi mid ka mid ah dilaaliinta wax ku iibiya saylada magaalada Hargeysa oo ka hadlayay qiimaha neefka Geela ahi uu sayladda ka taagan yahay.

Ganacsadde Cali Ibraahim Ciise, oo ka mid ah dadka xoolaha ka ganacsada, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaqdhaqaaqa sayladda ee xiliga moosinka, waxaanu yidhi “Wakhtigan Adhigii Baanka Islaamka ee gawraca ayaa soconaya. Sayladda ganacsato badan ayaa hadda ku jirta. Adhigan iminka socdaana waa Adhigii Xajka.

Dadkeenu waa in ay ka faa’iidaystaan, xoolaha Xajka loo qaadanayo, oo sicirka bangigu inagu xidhay iyo keena aynu isu geyno oo xoolaheenna dhoofinno. imika xoolihii baanka ayaynu rareynaa. xoolahaasi marka ay dhammaadaan ayaa kii kalena bilaabmayaa. dhaqdhaqaaqa xooluhuna aad iyo aad ayuu u socdaa oo xoolahani waa kuwii ganacsatadu soo iibsatay.”

Hooyo Dhiin Jaamac oo iyaduna ka mid ah haweenka sayladda ku dhex iibiya calafka ay xooluhu cunaan, ayaa ka hadashay qiimaha iyo nooca calafka ay ku iibiso saylada, waxaanay tidhi “Markay sayladu sidan u wacantay iibka calafka xooluhu cunaana aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, qiimaha aanu dadka ka siinaana maaha mid eryaya ee waa uu jaban yahay oo wadanka ayaa barwaaqo ah”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply