Agaasimaha Guud ee Caafimaadka oo ka War Bixiyay Socdaal uu ku Marayo Gobolada Bari

0
314

Ceerigaabo (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Faarax (Xergeeye), ayaa ka war bixiyay socdaal uu ku marayo gobolada bariga Somaliland gaar ahaan Saaxil iyo Sanaag.

Waxaanu sheegay in socdaalkiisa oo ay ku weheliyaan agaasime-waaxeedyo kala duwan oo wasaaraddiisa ka tirsani in uu la xidhiidho u koor galka adeegyada caafimaad ee gobolada Saaxil iyo Sanaag ay ka hayso wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland iyo baahiyaha caafimaad ee ka jira si ay u daboolaan.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay deegaanada miyiga gobolka Saaxil in dhibaatada ugu weyn ee halis caafimaad ah ee ka timaadda in ay tahay xilliga xagaaga qaniinyada abeesada taasoo uu shegay in ay dawadii qanniinyada masaska oo dhan in ay ka dalbadeen hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo wasaaradda ay wada shaqayn leeyihiin isla markaana ay ku rejo weyn yihiin in ay baahida qanniinyada abeesada in ay dabooli doonaan.

Agaasimaha guud oo isagoo ku sugan xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan, ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada socdaalkiisa iyo deegaanada uu maray, ayaa yidhi. “socdaalkayagu wuxuu la xidhiidha shaqada wasaaradda horumarinta caafimaadka ee aanu qaranka u hayno iyo siday uga socoto gobolada bariga dalka,haddaan ku horreeyo gobolka Saaxil waa gobolka ugu daeegga wanaagsan caafimaadka marka loo eego gobolada kale ee dalka,waxaana gacanta ku haysa caafimaadka gobolka hay’adda caalamiga ah ee HPA oo aanu xaga caafimaadka iska kaashano dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka wal galaana gunnadooda si joogto ah ayay u helaan hadday ta wasaaradda tahay iyo hadday ta hay’adda tahayba. Cisbitaalka guud ee Berbera oo aanu soo kormeernay iyo xarumaha kale ee caafimaad ee magaaladu siday u shaqeeyaan aad ayay u wanaagsan tahay dawo ku filanina way u taalla, markaa guud ahaan gobolka Saaxil dawo iyo gaadiid iyo hawl wadeenno caafimaad oo ku filan ayaa jooga hasha adeegga caafimaad ee bulshada loo hayaana aad ayay wanaagsan tahay oo beryihii hore Berbera goobeheeda caafimaad aad ayaa looga soo dayrin jiray laakiin imika dalka ayay ugu horreeyaanba.”

 

Agaasimaha guud oo la waydiiyay in gobolka Saaxil ay ka jiraan halis caafimaad deegaanada ka baxsan magaalooyinka oo ka wasaarad ahaan ay ogyihiin iyo waxa uga qorshaysan, ayaa ku jawaabay. “gobolku deegaano badan oo miyi ah oo xeeb ah ayuu leeyahay deegaanadaas xilliga xagaaga halista caafimaad ee ugu weyn ee ka timaadda waa qanniinyada abeesada. Abeesada oo ka mid ah Masaska markaa taana sidii dawo loogu heli lahaa waanu ka hawl galnay oo waxaanu dawada qaniinyada xamaaratada aanu waydiisanay in ay noo keento hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Markay dawadaasi nasoo gaadhana qaniinyada abeesadana dhibaatadeeda waanu ka gudbaynaa imikana gurmad caafimaad oo deg deg ah ayay wasaaraddu kaga sii hawl gashaa hadba halka ay dhibaatada qaniinyada abeesadu cid ku waxyeelayso.”

Agaasimaha guud oo la waydiiyay gobolkaSanaag oo deegaano badan oo aad u kala fog leh isla markaana aanu adeegga caafimaad ee wasaaraddu wada gaadhin waxa uga qorshaysan, ayaa ku jawaabay. “horta gobolka Sanaag waa ka ugu baaxadda weyn dalka oo dhan waxaanu leeyahay deegaano aad u kala fog fog oo kala duwan oo deegaanada qaar ayaan baabuurtuba mari karin oo buurolay ah,laakiin maanta inta badan gobolka Sanaag waxaa ka jira adeeg caafimaad oo la odhan karo halka aanu ka jirinna way u gurman karaan waxaana gobolada Sanaag iyo Sool ka hirgalay barnaamij uu ka fuliyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo waxaa imika Ceerigaabo dhammaad ku dhaw cisbitaal aad u weyn oo gaba gabo maraya waxaanu ka mid meelaha aanu soo kormeerayno inta u hadhay iyo halka uu marayo waxaa kale oo aanu soo kor meeraynaa dawadii uu ku shaqayn lahaa oo u taalla markuu dhismihiisu dhammaadana waanu qalabaynaynaa.waxaa kale oo aanu soo kor meeraynaa guud ahaan xaaladda adeegyada wasaaradda horumarinta caafimaadku ka hayso gobolka Sanaag iyo siday u socoto.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray. “gobolka oo aad u kala fog dhakhaatiirta noo joogtaa kuma koobna shaqadoodu xarumaha ay ka hawl galaan oo keliya gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ambalaasta ayay ugu gurmadaan meelaha dhibaato caafimaad laga soo sheego,waxaa kale oo ay sameeyaan dawaynta socodka ah oo waxay socod ku tagaan deegaanada aanay xarumo caafimaad ka furnayn oo ay dadka baadhitaan iyo dawaynba ay ku siiyaan,.waxaau socdaalkagu mudnaanta ugu weyn siinayaa in aanu soo qiimayno sida ay xarumaha caafimaadka ee gobolada bari u shaqeeyaan, baahiyaha yaalla iyo meelaha loo baahan yahay in la xoojiyo waxaana safarka igu weheliya oo ila socda agaasime waaxeedyo kale oo wasaaradda ah.”

 

Leave a Reply