Sheekh Cumar: Xaafad ka Arradan Adeegyadda Bulshadda oo ka Tirsan Caasimadda Hargaysa

0
329

 

Hargaysa (Dawan): Xaafadda loo yaqaano Sheekh Cumar waxay ku taallaa koonfurta galbeed ee caasimadda Hargaysa, waxay ka tirsan tahay degmadda 31-ka May, waxaanay qiyaastii illaa 9-KM u jirtaa suuq weynaha Hargaysa.

Xaafadaasi ayaa gebi ahaanba ka arradan adeegyadda aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha, korontadda, gaadiidka iyo kuwo kale.

Inkasta oo baahiyaha kala gedisan ee bulshadda xaafadaasi ku nool haysta ay kala siman yihiin xaafado kale oo caasimadda Somaliland ku yaala. haddana waxaa jira waxyaabo badan oo iyaga u sii dheer, kuwaas oo ay ka mid tahay waddo la’aan iyo waxbarasho la’aan.

Wargayska Dawan ayaa si uu ugu kuur gallo xaaladda dhabta ah iyo baahiyaha ay qabaan bulshadda xaafadaasi waxa uu waraystay qaar ka mida waxgaradka, waalidiinta iyo sidoo kale darawaladda gaadiidka dadweynaha ee xaafadaas ka dhex shaqeeya.

Ismaaciil Xayd Muuse, oo ah odayaasha xaafada Sheekh Cumar ayaa ka mid ahaa dadka ka hadlay dhibaatadda haysata waxaanu masuuliyiinta degmada 31-ka May ku dhaliilay waxqabad la’aan, gaar ahaan dhinaca waxbarashadda oo uu tilmaamay in ardayda xaafadaas degan ay dugsiyo meello ka fog ku yaalla tagaan.

Waxaanu yidhi “Degmadda 31-ka May oo ay hoos tagto xaafadayadan Sheekh Cumar, qof kaliya noomay shaqaaleysiin, qof qudha noogama yimaado, ardaydayadu illaa Faarax Oomaar ayay halkan ka tagaan oo ay ka lugeeyaan.

Waxaanu rabnaa in dugsi sare naloo dhiso, in dugsiga hoose dhexe ee xaafada-na naloo dhameystiro oo wax nalooga qabto baahiyahayaga, dalka dadkii u soo naafoobay ayaanu nahay”.

Hooyo Foosiya Xuseen Caadle, oo iyana ka mida haweenka degan xaafadda Sheekh Cumar ee duleedka magaalada Hargeysa ayaa ka hadashay baahiyaha ay qabaan, kuwaas oo kala ah waddo xumo iyo dugsiyo sare oo aan xaafadaas ka jirin.

“Ma haysano iskuul dugsi sare iyo ku hoose iyo dhexe, ubadkayagu way waxbarasho la’yihiin. Xukuumadda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in si deg dega wado naloogu sameeyo, gaadiidku meel uu noo soo maro ma haysano, iskuul sare iyo wado midna ma haysano labada noogu daranina waa labadaasi.

Ubadkayagu halkaasi ayay ka lugeeyaan oo uu roobka iyo cadceeduba ay ku dulqaadaan oo dhibaato weyn ayay la kulmayaan, haweenkayagii shaqaysanayay ee suuqa u kalahayay meel aanu soo marno ma haysano, gaadhigii xaafada u soo baxaaba marka uu muddo yar socdo ayuu fadhiisanayaa” ayay tidhi Foosiya Xuseen Caadle.

Sidoo kale hooyo Sacaada Muuse Cabdi, ayaa iyaduna baaqan u dirtay wasaaradda waxbarashadda Somaliland waxaanay tidhi “Marka hooyadu suuqa tagto iyada iyo ubadkeedii way kala dhaxayaan. Dugsi sare ma haysano oo maanta ubadkayagu dugsiga 26-ka June ayay tagaan oo iskuul dugsi sare ugu dhaw, ardaygii baska loo waayana waaba uu iska joogayaa.

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland waxaanu ka codsanaynaa halkii bas ee ubadka noo qaadi jiray ee ay na siisay inay noo soo celiso, dugsigii hoose dhexe wali lama dhamaystirin, macalimiintii illaa hadda waa bilaa guno”.

Waxaanay intaas ku dartay “Hooyada iyo ubadka waxaa isku xidhaa waa waddada. Jidkan xaafadayada loo soo maraana waa uu naga qariban yahay, dugsi sare malihin, kii dhexena fasalka lixaad ayuu ku joogaa, biyo malihin, ubadka macalimiinta noogu dhigaa waa bilaa mushahar, gabadha xaadhaa waa bilaa mushahar, dadka qaar baa agoona, qaarbaa danyara, oo aan iskuulka iskaba bixin karin markaa dawlada hoos ha noo eegto” ayay tidhi hooyo Hibo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mida dadka degan xaafadda sheekh Cumar.

Geesta kale qaar ka mida derawaliinta basaska ka shaqeeya xaafadda sheekh Cumar ayaa cabasho ka muujiyay waddo xumaanta haysata iyo sida aanay xukuumadihii kala duwanaa ee talladda dalka soo qabtay waxba ugu qaban xaafadaasi.

Xasan Salaad Cali, waa gudoomiyaha ururka basaska xaafadda Sheekh Cumar ee degmadda 31-ka May waxaanu xukuumadda ugu baaqay in ay si deg dega uga samayso wadadii gaadiidku marayay oo ay gooyeen roobabkii dhawaan da’ay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gaadiidkani waa basaskii xaafadani u adeegayay waxaa ay u yaalaan waa taayiro la’aan sidii aanu ugu qasbaynay xaafada ee aanu lahayn haddii aad u bixi waydaan waa la idin xidhayaa ayay taayiradii ka dhamaadeen, markaa gaadiidkii waa kaa halkan wada fadhiistay.

Gaadiidka badankoodii xaafadii Sheekh Cumar ayay wada dhex wadhan yihiin, xukuumadda talada haysa waxaanu ka codsanayna wadadii Daadkii ayaa gooyee in ay si deg dega wax nooga qabato.

Maayar dalkan iyo dadkan wax u qabanaya ma hayno, madaxweyne maanta dhaliishu aday ku saaran tahay oo aanu ku dooranay”.

Maxamed Xasan Cabdi, waxa uu ka mid yahay wadayaasha gaadiidka xaafadda Sheekh Cumar u baxa waxaanu ka sheekaynayaa dhibaatadda ay ku qabaan waddo xumaanta haysata, waxaanu yidhi “Waddadani aad iyo aad ayay noogu dhib badan tahay, oo taayiradii ayaa nagaga dhammaaday. cid wax nooga qabatana maanaan arag. Wadadan aanu xaafada u soo maro ee waxaanu u baahanahay cid wadada wax nooga qabata”.

 

Leave a Reply